Jigjiga (CakaaraNews) Waxaa Hoolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdile Xasan lagu qabtay Wada tashi ay iska kaashadeen
Read more...
veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea

veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea
Khayraadka Biyaha - Water Resource
Wabiyada ugu waaweyn ee deegaanka ka jiraa waxay kala yihiin wabi Shebelle, Genale, Dawa iyo Weyb, kuwaasoo sannadka oo dhan leh biyo socda.
Sido kale dooxooyin aad u waaweyn oo waqtiga roobabka biyo socda oo joogto ah leh, waxa ka mid ah Erer, Dakhato iyo Fafen.
Guud ahaanna waxa lagu qiyaasay in biyaha ka dhasha wabiyadaas lagu waraabin karo dhul baaxaddiisu dhan tahay 600,000 ha kaasoo hadda laga isticmaalo 3%.
Waxa xusid mudan in biyaha baaxadda leh ee ka jira deegaanka in laga samayn karo meelo ku habboon cayaaraha kala duwan iyo kalluumaysiga isla markaana dalxiis laga samayn karo.
Wabi Shebelle waa dooxo-fadhiga (basin) ugu weyn dalka Itoobiya. Wuxuu gaadhaa dhul lagu qiyaasay 205,400 km2.. Magaalooyinka ugu waawyn ee dhulkan laga helo waxa ka mid ah Jijiga, Dhagahbur, Kabridahar, Kalafo, Gode, Mustahil, hamaro iyo kuwo kaleba.
Dhinaca bari ee dooxada Ogaden wuxuu ku fadhiyaa dhul lagu qiyaasay 71,900 km2 . Wabiga Genale oo ah isna midd aad u weyn maraka laga reebo Wabiyada Shabelle iyo Abay wuxuuu ku fadhiyaa dhul lagu qiyaasay 168,000 km2. magaalooyinka ugu mihiimsan ee dooxadan laga helo waxa ka mid ah Moyale iyo Filtu iyo kuwo kale oo badan.
Waxa diyaariyey
Xafiiska Maalgalinta
Dawladda Deegaanka Soomaalida
P.O. Box 237
+251 (025) 775
2026/2038
+251 (025) 775
2026
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.