Tan iyo intii wada hadalku u bilawdey dawladda Ethiopia iyo UWSLF isla markaana shacabka dal iyo dibadba ay aad usoo dhaweeyeen waxaa isa soo taraya culeyska siyaasadeed ee garbaha ka fuulaya budhcada Ubo gaar ahaan masuuliyiinta ugu sareysa kuwaasoo ah cidda masuuliyadda iska leh waxii budhcada u hagaaga iyo waxii ka xumaadaba. Qormadeyda waxaan ku falanqayn doonaa waxyaabaha la gudboon Ubo mar haddii UWSLF heshiiskoodii midha dhalay ilaa iyo hadda.
Go'aanka UWSLF
Inta la xasuusto taariikhda waddanka waa go'aankii ugu wanaagsanaa ee urur ka dagaalama waddankaasi qaato isagoo u daneynaya shacabka deegaanka dal iyo dibadba. Talaabadan oo ahayd mid geesinimo ah ayuu budhcadu go'aan taariikhi ah ku qaatey isla markaana dareemey in xalka umaddu uusan xabad ku jirin taasoo illaa iyo hadda damaasheedkeedii dunida laga dareemayo.
Wanaagga ururka UWSLF ayaa ah iney yihiin urur lagu aamino karo qawlka ay galaan isla markaana ay wada go'aansadeen iyadoo aysan jirin cid ururka kamid ah oo dibadda ka joogta ama kasoo horjeedda heshiiska. talaabadan geesinimada leh waxey Ethiopia iyo maamulka Kililka dhaxalsiisey iney dhankoodana aaminaad weyn bixiyaan taasoo keentey in muddo yar gudahood la is dhexgalo sida ka muuqata sawirada naga soo gaadhay gobolka.
Illaahay La Kala Baryi Og, Erayna La Kala Odhan Og
Dhawr jeer ayay saxaafaddu wareysatay madaxda Ubo iyo madaxda UWSLF. Dhanka UWSLF warka kasoo baxa waxuu noqdey walaaladeen Ubo waxaan ugu baaqeynaa heshiiska iyo nabadda iney nala qaataan. Dhanka Ubo waxaa kasoo yeedhay waa tuugo aan waddanka ka jirin wayna is dhiibeen. Dadka shacabka ah ee dhageysanaya dal iyo dibadba waxey qiimaynayaan hadalka labada dhinac kasoo baxa. Qof walaalkii wanaag la doonaya iyo mid walaalkii cay iyo xumaan u haya.
UBO Maxaa La Gudboon
Meel aad hadda la siman tahay haddaad orod ku dhaafto adigoo og kana maarmin waxaa la arkaa inaad 10 sano kadib soo marto. Ubo fursado badan ayaa soo maray oo ay ugu danbeysay middiii guurtida Ogaadeenya ee Yurub iyo Maraykanka ay tageen kuwaasoo Ubo ay si xun ula dhaqantay. Dhanka kale maanta Deegaanka waxaa ka jira ciidamo aad u hubeysan oo deegaanku leeyahay kuwaasoo awood badan u leh iney Ubo ugu galaan meel walba.
Dagaal sii socda waxuu keenayaa uun wiilal yaryar oo lagu laayo iyo hooyooyin gablama waxaana haboon in Ubo ay ka fikirto talaabada xigta isla markaana ay ay u istaagaan sidii ay heshiiskan iyo xabad joojinta ugu biiri lahaayeen iyagoo walaaladood garabka saaraya.
Haddii UBO Dhaga Adeygto!
Maamulka Kililka waxaa ka go'an iney soo af jaraan dhaqdhaqaaqa Ubo haddii aan nabad lagu soo dabaalin waxaana arintaas makhraati u ah dagaaladii ugu danbeeyey iyo sida ciidamada Liyuu Boolisku ay meel kasta u tagi karaan iyagoo isticmaalaya awood ciidan iyo mid dhaqaale, aqoon dhuleed iyo Afkooda Soomaaliga ah.
Abuuritaanka Jaaliyada Deegaanka Soomaalida
Waxaa dhakhso bilaabanaya dareen ah abuuritaan jaaliyaadka Soomaali Galbeed ama Soomaalida Ethiopia ee dibadaha kuwaasoo si toos ah ugu xidhmi doona dalkii hooyo. Waxaa dhanka kale bilaaban doona in qurba joogta deegaanka u dhalatey ay si xad dhaaf ah ugu qulqulaan waddankii iyagoo fasax walba caruurtooda iyo naftoodaba geyn doona.
Arintani waxey soo dhaweyn doontaa xidhiidh toos ah oo dhex mara jaaliyaadka iyo dalkii hooyo waxayna halis ku tahay jiritaanka Ubo. Ma jiri doono warar la iska sameeyo oo dibadaha imaan doona dadkuna iyagaa si toos ah warkooda u heli doona Insha Alaah
Talo
Talada ugu danbeysa ee u taalla Ubo waxey tahay haddii aad marar badan ku khaldanteen go'aan siyaasadeed waa inaad hadda ka fikirtaan si dhab waxii aad yeeli lahaydeen ee dadka iyo umaddaba dan u ah isla markaana magaca iyo muunada budhcada u roon. Haddii taladaasi socon weydo, Ubo laftigeeda ayaa kala tashan doonta oo waxaa dhab ah in qaarkood ay go'aansan doonaan iney heshiiskaas wax ka qaataan taasoo keeni doonta saddex garab oo Ubo.