Maqaalada

DARUURTA IYO ROOBKA NOO DA'AYBAAN DADKAYOW UDABAAL DAGAYNAA‏

MidnimoHeshiisyada nabadeed iyo isbadalada ka socda dawlad deegaanka soomaalida waa kuwo rajo ku beeraya muwaadinkasta oo ka soo jeeda dhulkaasi, waa wax lagu farxo in jabhadihii degta ku sitay qoriga ay si nabadeed ku dhexjoogaan dalkooda iyo dadkooga iyaga oo kala shaqaynaya sidii dawlad deegaankeena uga hirgali lahayd nolol la isku halayn karo.
 
Waxa ay meel ku leedahay dhaqankeena iyo diinteena inaan udamaashaadno barwaaqada iyo xili roobaadka inaga oo ilaahay ku mahadinayna taasi oo isku keeni jirtay dadka ay abaartu kala irdhaysay iyaga oo xiligaasi aan wakhti isu heli jirin. dabcan waa lagu samraa dhibaatada iyo mushkiladaha balse nimcada Alle iyo isbadalada ayaan noqon karin kuwo uu qofku qarsan karo taasi oo sida ay sheegeen xeeldheerayaasha amuuraha islaamku ay noqon karto mid geesmar ku ah diinteena, waxa laga hayaa nabi muxamed S.c.W inuu yidhi ilaahay waxa uu jecelyahay in adoonkiisa ay ka muuqato raadka deeqdiisu. waa mid aan hadal ka taagnayn in la gaadhay xiligii aan si wadajir ah ugu damaashaadi lahayn bilawga cusub iyo wajiyada nabadeed ee deegaankeena. waxan leehanay daruurta iyo roobka noo da'aybaan dadkayoow udabaal dagaynaa!


Dhawkii sano ee la soo dhaafay waxa uu horumarka dalkeenu la dhutiyay mashaakil ka jiray gudaha dalka iyo dibada kuwaasi oo haatan rabi laga baryi in baaqiga haray uu tusiyo jidka iyo samaha bulshada dawlad deegaanka soomaaliyeed.Hambalyo
 
Isbadalada haatan ka jira deegaanka sida kuwa laga  sameeyay dhinaca maamulka waa hanaan wanaagsan oo  fursad u ah dhamaan danaha bulshadeena waxana la gudboon indheergaradka aqoonyahanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada dal iyo dibad in si wadajir ah loogala shaqeeyo dawlada danta guud ee umadeena inaga oo meel iska dhigayna dano shakhsiyeedka iyo shakhsi jacaylka


Waxa la gudboon shacabkeena iyo hogaanka dawladeena cusub sidii ay si wada jir ah uyeelan lahaayeen shaqo wadareed "Teamwork"  ku dhisan xilkasnimo wadaniyad iyo karti si aan u xaqiijino xuquuqaheena dastuuriga ah... waana wax lagu farxo oo udhacay hanaan lagu kala calaf qaaday doorasho isbadaladii ku yimi maamulka waana markii u horaysay ee taariikhda deegaankeena si niyadsami ah oo bisayl ah la arko masuuliyiin si wadajir ah isugu bogaadinaya xilalka, waxan ka fili shacabka inay mahadiyaan waxqabadkii mudada dheer soo jiray ee uu la yimid madaxwayne Daa'uud Maxamed Cali sida hirgalintii hanaanka anshaxa shaqada iyo shaqaalaha sido kale halgankiisii dhinaca aqoonta ku dhiirigaliyay boqolaal shaqaale ah oo xeerjajab iyo shahaado  been abuur ah ku shaqaynayay
 
Hogaaminta SareDawladan Cusub oo ah dawlad nabadgalyo waxa rajo wayn laga qabaa in shacabku si iskiis ah uu ugu dhiiranyahay sidii uu usii xoojin lahaa nabadgalada si loo dardar galiyo horumarka
 
Waxan shaki ku jirin in umad isu dan ah ayna marnaba fashilmayn hadii ay uguntadaan sidii ay u xaqiijin lahaayeen himiladooda, waxa lagu xaqiijin karaa amuuraha noocaas ah marka ay isla jaanqaadaan shakhsiyaadka bulshada hormoodka u ah sida hogaaminta siyaasiga ah aqoonyahanada ardayda cuqaasha iyo suugaanlayda iyo dabcan qaybaha muhiimka ah ee bulshada
 
Waxan ilaahay uga baryaynaa in xilka uu ku asturo madaxwaynaha cusub shacabkiisuna ku garab galo sidii danta guud loo xaqiijin lahaa
 
waxan gabagabadii umahadnaqayaa wasiirka warfaafinta deegaanka soomaalida oo runtii si wanaagsan udhisay ra'yal caamka bulshadeena ee dal iyo dibad isaga oo si wanaagsan qalbiyadooda si casri ah usoo jiitay......... waxana usii rajaynaynaa in bulshada gudaha uu si wanaagsan ugu sii muujiyo haan bisayl iyo wacyi galin..............
 
 
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.