Waa hagaag akhriste waa innoo markale iyo qaadaa dhiggii aan ku balansanayn ka hadalka kooxda sida aan anigu arkay ismoodsiiya in ay dadka iyo dalkeenna wareerinayaan balse xaqiiqda biya kama dhibcaanka ah ee aan salkeeda soo xadhay ay tahay in ay iyagu is wareerinayaan.
Intaanan u galin inaan idinka baandheeyo Saaluxudiin, aan mar kale u mahad celiyo asxaabta faraha badan ee qaarnna I soo weeeraray, qaarna soo taageeray xaqiiqda. 505 e-mail ayaa isoo gaadhay sidaan u maleeyay balse aan boqolkiiba halka ugu horeeya ka xuso. Akhriste bakhtiyaanasiib ayaan sameeyay oo shilin ayaan kor u tuuray hadba ruuxay ku dhacday ayaan caawa xusayaa. Intiinna kale barnaamij gooniya ayaan u samayn doonaa oo aan mid walba jawaabtiisa faaqidi doonaa.
1. waxaan u mahadcelinayaa Colenel Axmad Jire Qalinle CANADA oo u arka in aysan wakhtigan haboonayn in la yidhaa waan dagaalamaynaa ee ay xaq tahay in dalka horumarkiisa laga shaqeeyo.
2. Kooshin Shirwac (iimuu soo sheegin halkuu joogo) wuxuu yidhi, waxaan ku farxayaa in aan helo meel aan ka barto kooxda UBO hogamisa. "Ninkii tiisa daryeela ayaa tan ruuxa kalena ku dara.” “waan ogaaday haatan in aysan kooxdu waxba ahayn"walaal Xagar iyo bahda CakaaraNews barnaamijka miyaad sii wadaysaan oo UBO oo dhan baad na baraysaan mise waa idinka intaa?”
Saaxiibkay Kooshin mahadsanid waan wadaynaa illaa Gun iyo Baar.
3. Muna Maxamed "Ingriiska" waxay tidhi, "waxaan aad ula yaabanahay sida uu barnaamijkaagu u xiisa badan yahay ee aad hadana xiisaha ka qaadaysid kolka aad gabdhaha ku soo daraysid". walal gadhaha ha ku soodarin.
Walaal Munaay dad badan oo uu Colenel Axmed Jire Qalinle ugu horeeyay ayaa laftoodu gabdhaha ka hadalkooda ka soo cawday, balse maan garanin halkaad saluugteen. Waxaan ku kalsoonahay in ay midi idiin cadahay, oo ah in kolka ruux muuqda sooyaalkiisa taariikheed laga hadlaayo hadii ay gabadhi sooyaalkaas soo dhex gasho ay qasab tahay in la xusayo. Taasi micneheda looma qaadan karo in gabar wax loo dhimay.
4. Hani xuseen ;Sihaan: mahadsanid walaal.
5. Osmaan Abdilaahi Sool (wuxuu iila muuqday nin kasoo jeeda Somaliland). Wuxuu ka soo cawday in aan mar aan faaqidaayay Cabdi Sayid Macalin Yuusuf oo UBO Qurubka labaad ee Saalax u qaabilsan dibadda aan tusaale ugu soo qaatay Cabdi Malaw iyo SNM, wuxuuna iga soo codsaday in aanan Cabdi Sayid iyo wixii la mida la simin dadkooda wanaagsan.
Walaal Cusmaan Sooloow waan isku dayayaa, waxaanan ku leeyahay wax garadna waan ahay wilwiladana waan tumayaa kol haddii rag kale iigu oriyeen jaanta.
Waa hagaag, hadaba waa kan Saalaxudiin Macoow
Is Aragayagii Koobaad
Wuxuu ahaa Germany. waxaa la igu casuumay shir guud oo la igu yidhi kolkii hore wuxuu u dhexeeyaa dadka deegaanka. Madasha shirka iyo hoygayga waa masaafo qiyaastii 300KM.
Shirka waxaa fadhiyay Admiraal Maxamed Cumar Cismaan oo aan aad shaqsiyan isu naqaano, Cabdiraxmaan Maaday oo kolkaas aan aad aragtidiisa ugu farxay waayo Maaday xagayga taariikh aan xasuusto ayuu ii leeyahay waayo wuxuu ahaa hogaamiyihii iigu horeeyay ee kolkaan shaqada saxaafada ka bilaabay Radio muqdisho aan waraysto. Wuxuu kolkaas ahaa Gudoomiyahay ururkii Dhalinyarada Gobanimadoonka Soomaalida Galbeed loogu yeedhi jiray. Wuxuu waraysigaasi ku saabsanaa xog waran wafti uu hogaaminaayo uu tagay Ciraaq.
Waxaa kaloo shirka joogay oo si gaara la ii baray madaxii hore ee UBO Sheekh Ibraahim Cabdala. waxaana i baray Admiraal Ina Cumar Cismaan. Waxaa kaloo joogay ninka haatan ku xiga Admiralka o la yidhaa Maxamed Ismaaciil. oo aad garanaysid inuu geel jira fooqal geel jire yahay.
WAJIGAYAGII Labaad & Saalaxudiin Macoow
Wuxuu ii soo diray sanad ka bacdi teleefan wuxuu iga codsaday in aan dhaqso u imaado. Imaashahaygii ka dib wuxuu ii sheegay in jagada gudoomiyenimada UBO Germany la donaayo in laga maroorsado. Waxaa mu’aamarada maleegaayay koox si u suuxsan oo Cabdi Sayid hor bodaayo.
Waxaan waraystay ragii uu ka dacwoonaayay. waxay ii sheegeen in aanu Saalax ahayn OGAADEEN. Waxay daliil ka dhigteen magaciisa oo ah Saaluxudiin Xaaji "MACOOW". Waxay leeyihiin magacaas "MACOOW" maaha magac Ogaadeen. Waxay makhraati iigu keeneen nin la yidhaa Colaad oo ka soo jeeda Puntland oo ii qiraayay in uu yahay nin Ogaadeen isku dhex qarinaaya oo la yaqaan. Waxaan anigu ku dooday, hadii qadiyad guud laga hadlaayo Saalaxna qadiyadda guud u shaqaynaayo maqasabaa in uu Ogaadeen noqdo, dalkase ma Ogaadeen ayaa dhaxal u helay. Dhanka kale waxaa Saalax dab hoose ku shidaaya Cabdiraxmaan Maaday oo Saalaxna nasteex moodaayo. Waxaa la ii sheegay in baqdinta ugu weyn ee laga qabo Saalax ay tahay in uu afrikaankoo dhan jaajuuso oo u u jaajuuso wadamada Reer Galbeedka (maan garanin waxay ula Jeedeen). Waxay ii sheegeen in uu su’aalo badan waydiiyo dadka. Af Xabashiga waxaa lagu yidhaa ayuu ii sheegay Mr Maaday arinka uu kaga sasay (YA POLIIS DIYAAQEE) Taasoo micneheedu yahay “Su’aal booliis”.
Waxaanse Xagar ahaan Saalax ku aqaannaa in hadii aad sadex haben oo isku xigta aqalkiisa timaadid habeenka afraad uu cajalad kaa duubaayo, taasoo ay maqraati u ahayd in cajalado uu ka duubay si hoos ahaaneed rag ay aad isugu wanaagsanaayeen sida Cabdiraxmaan Maadeey iyo Generaal kale oo aan magaciisa liqsanahay oo ka mida hogaamiyayasha UBO qaybaha dalalkan uga qarafeeysta magaca halgameed.
Cajaladahaas oo baraha internedada lagu faafiyay, faafintaasoo uu Saalax masuul ka ahaa, iyadoo ay ragaasina kaga cawdeen saaxafada iyagoo sheegay in arinkuu Saalax kula kacay ayagoo aaminay ay tahay dhagar.
Saalax waxan ku aqaanaa maleegida qorshayaasha dad lagu minjo xaabiyo. Waxaan dareensanahay in Saalax siyaasadaba ka bilaabay waji qaldan oo uu u haysto siyaasadi in ay la mid tahay Boqnna Goynta Ruuxa.
Waxaa ka madhan ayaan is idhi in aysan siyaasadu saas ku micnaysnayn ee ay tahay qaab hogaamineed iyo u sahamin dal iyo dadkiisa meeshii doog leh.
Hal mar ayaan ogaaday in uu cajalad iga duubtay. Wuxuu ku falaayo ma garan umanaan baahanin in aan garto.
Wajiga kale Saalaxudiin Macoow
Waxaa Germany nagu soo booqday Dr Maxamed Siraad Doolaal oo dhowaan la dilay, dilkaasoo 100% loo haysto Admiral Maxamed Cumar CUSMAAN, Saaluxu Diin ayaa iga codsaday in aan si gaara u kaxaysanno, Tasoo micnaheedu yahay, maadaama Saalax aan Dalka Germany looga ogolayn in uu babuur kaxeeyo caafimaadkiisa oo aan taam ahayn darteed, in aan anigu baabuurkayga kula dhuunto Dr Maxamed Siraad Doolaal iyo Macoow. Waxaa laga dhuumanaaya waa canaasiir uu hor ordayo Cabdi Sayid sidii ayaan yeelay anaa labadaba casuumay, Saalax jaadka ma cuno, balse Doolaal ayaan ku casuumay, inkastoo aanan qudhaydu bahalkaas jaad rageeda hayn, habeenkas waxaan dareemay in dabin labada nin ii dhigaayeen.
Saalax ayaa iigu yaboohay i aan qaato jagada Gudoomiye ku xigeenka ONLF, waxay hadal ay kala boobeen Saalax iyo Doolaal igu yidhaadeen "Xagaroow dalkeenna barwaaqo ayaa ceegaagta, Doolal ahaan hay’ado Reer Galbeed ayaa lacago hoose noola diyaara, laalush weyn ayay ogol yihiin, hadii aan u fududaynno sidii ay ugula soo bixi lahaayeen. Adiga Xagar ahaan waa inaad qabiilkaaga Reer Jigjiga, Qabribayax iyo nawaaxigooda soo jiidataa. Waxaa kali ah oo danahaasi inoogu suurta galayaan in aan kala dhantaalo isku xidhnaanta dawlada dhexe iyo tan degaanka, islamarkaana aan kala irdhaysiinno dadka deegaanka iyo Dawlada Degaanka, hadii aan ku guulaysanno xoraynta dhulkana kaba sii fiican”.
Runtii habeenkaas aad ayaan u naxay, wuxuuna habeenkaasi ahaa habeenkii ii lahaa Go, aan qaadashadayda in aan aad uga fogaado Saalax, Doolaal Admiraalka, iyo dhamaan wixii ku abtirsada ONLF, waxaa ii baxay in dilka iyo dhaca dalka lagu hayo ujeedada laga leeyahay ay tahay meel aad u sokaysa oo aan sagaaraba ka biiqsanin iyo in dhulka Hindi baasaboora Ingriis haysata khayraadkiisa loo dhoco, iyo in lagu xidhmo koox maafiyada Talyaaniga ah.
Saalax wuuxuu ii sheegay in uu aad ugu xeel dheer yahay sida dadka dhulka u dhashay ee dibada jooga lacagaha lagu hawlgalaayo looga soo aruuriyo. Hawshaasna isaga lagu ogaado.
Waxay labada nin ii sharxeen meelaha khayraadka dabiiciga ah dalka laga helaayo iyo kooxaha guran doona, qaabka loogu fududaynaayo, iyo qaabka faa’iidada loo helaayo. Waxaa ii baxay in hadii aan habeenkaas HAYE idhaahdo, aan rag kula shuraakoobay iibinta dhiiga shacbiga, moodaya inaan nahay arxan u maqan, taasoo ah dhagar weyn oo aanu alleba igu dhaafayn.
Waxaa habeenkaas ii baxday in Saalax iyo Doolaal labaduba halganka ay ii sheegeen uu ka dhab yahay balse dhankaan mooday aanu ahayne loo halgamaayo Dano Gaar ah iyo Dilaalnimo, aan macne weyn samaynaynin, waxaa ii baxday in ay labaduba riyoonayaan.
Akhriste waa inoo mar kale, waxaana dhowaan idinku soo maqan oo aan si wacan idiinka baandhayn doonaa Admiraal Maxamed Cumar Cisman. Inkasta oo uu i soo waydiistay in cayaarta aan bilaabay aan isaga ka reebo, anna waxaan Admiraalka ugu jawaabay,
Hadaad Qili Ciyaarten
Cadda Lool Ka Qooqdeen
Qisooy Waayaheede
Waan Soosocdaa Qoolaab
Xagar Yare
Xagar Yare is a CakaaraNews Columnist and can be reached at This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Opinion articles written by individual contributors do not necessarily represent the opinion of CakaaraNews.com