Maqaalada

Al-Xaaji Cumaru Muttalib Aabe Nabada U hiiliyay !!

ilaahow Waa Mahadaa !!

Guud ahaan dadka nabada jecel ee caalamka ayaa  waxa ay aad ugu farxeen falkii fashilmay ee wiilka dhalinyarada ah ee maskaxda laga xaday  ee u dhashay Nigeria  uu ku damacsanaa inuu ku qarxiyo diyaarad hawada ku jirtay oo uu kamid ahaa rakaabkeeda.

Wiilka dhalinyarada ah wuxu ka soo jeedaa qoys aad u ladan waxana uu fursad u helay waxbarasho tayo leh, isaga oo dhigan jiray midkamida jaamacadaha wadanka ingiriiska waxana ay qof walba layaab ku noqotay sababaha  ku kalifay falkan wiilkan ayaanka daran  inuu ku kaco, falkaasi aan garawshaha lahayn ee uu isku dayay ! waxan aad ugu farxay warka laga helay Aabaha wiilka dhalinyarada ah dhalay Al-Haji Umaru Muttalib  oo mudooyinkii danbe aad ula socday xaalada wiilkiisa islamarkaana wargaliyay laamaha amniga qaabilsan si meel loogu ogaado wiilkiisa  waxana uu  al-haji umaru  guubaabo unoqdey waalidiinta caruurtooda lamarin habaabiyo si ay ugu daydaan oo ay caruurtooda meel ugu ogaadaan,

Muslimiinta diingaradka ah ee ku kala nool dunida dacaladeeda  ayaa falkaasi aad uga xumaa uu wiilkaasi ku damacsanaa inuu naftiisa iyo dadka musaafirka ah  uu ku khaarajiyo  iyaga oo dhab ahaan u ogsoon in diintu dhawrtay xaqa socotada  adeegyada kala duwan isugu kala gooshaya dunida safarada hawada dhulka iyo badaha diinta ay doonaan ha haystaane,

Waxan  iskula hadlay hoos markaasaan idhi  ilaahow odeyaashayada iyo waalidiintayada  sii caqliga xaajigaas si ay u fashiliyaan  nabad- diidka UBO  iyo islaamka haleeyaha Al-itixaad ee uu damacoodu yahay burburinta nimcooyinka ilaahay ku galadaystay Aadamaha ee dhulkayaga ka dhaqdhaqaaqa.

Waxan shaki ku jirin in wiilwalbaa uu ka soo jeedo qoys Aabe iyo Hooyo jecel nabad iyo mustaqbal wacan oo midho leh  haseyeeshee ay  meesha taalo qalqaalo iyo dhiirigalin ay sameeyaan kooxaha qurbaha ku naanaabay ee shaqada ka dhigtay gunimada gabawday ee gabalkeed dhacay  ee dhoodaan ku sifeeyay GUNIMO-Xornimo maahee waa Gunimo!  Maxamed siyaad Naxariisi Dushiisa  ahaatee isna horay ugu sifeeyay islaamka haleeyaha  wadaad xumaha  kuwa diinta ku qadhaabta !!!

Al-haji umaru Muttalib wuxu  noqdey aabo ku dayasho mudan  oo u hiiliyay nabada iyo badbaadada aadamaha  waxana uu tusaale usiiyahay dadyawga taagta daran ee reer kililka shanaad in iyaguna ay nabada u hiiliyaan inaga oo ogsoon in deegaankeena waxa isku hayaa ay yihiin  Nabad iyo Colaad - Caafimaad iyo Cudur- Aqoon iyo Jahli 

Waxan haysanaa fursado aan kula dagaalano sadexdaas cudur ee haatan deegaankeena raba inay ku faafaan inaga oo kula dagaalami karna inaga oo u hiilina sadexda lidiga ku ah  ee aan ku dawayn karno cuduradaasi halista ah,

Waxan  maanta haysanaa fursad aan ku kala garano faraqa udhaxeeya nabad iyo colaad  hadii aan uhaysano in nabada iyo amaanka oo la adkeeyo ay dan utahay Hogaan Cabdi Muxumed iyo Madaxda DDS iyo taliska guud ee Addis Ababa,

Ninka Qabridahar duhur cad qarax la beegsaday cidii ay doonto haku dhimatee wuxuu ka dhiganyahay nin laayay dhamaan dadka reer qoraxay iyo dhamaan dadka deegaanka iyo waliba  inta kale ee ilaahay abuurtay ee dunida ku kala nool sida ay inoo cadaynayso fahanka diinteena iyo xeerarka caalamiga ah hana  la socdeen dadka reer qoraxay in xanuunkaasi aanu iyaga ugaar noqonayn oo uu noqon doono mid wada tiiraanyo galiya inta qalbiga nugul ee aadamaha  ah.

Hadaba ardayda fursadaha uheshay inay wax ku bartaan meel amaankeedu suganyahay islamarkaana  ku haysta fursado waxbarasho oo bilaash ah. Cod dheer haku yidhaahdeen  maya  maya  maya  maya  ina cumar cismaanoow diidnay qandaraaska aad ku soo qaadatay inaad dhiigayaga ku xalaashato mustaqbalkayaga ku halayso!!!! Nabad- diidka Aabihii-Ogaadeenka Haleeyaha !! UBO

Shacabkaygoow Gacmo wadajir bay wax ku qaban karaan!! wixii dhaliil ah ee jira hanaan dimuqraadi ah iyo caqli ayaan ku xalisan karnaa taasi hala ogaado!! balanteenu waa nabadoon la jirno.

llahayoow Waa Mahaddaa

Gurayska

Gurayska is a CakaaraNews Columnist and can be reached @ This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.