Tan iyo intii Shabakada CakaaraNews lagu daabacay magacaabista
Xafiiska Warfaafinta ee loo magacaabay Mudane Guuleed casoowe waxaa
shabakada CakaaraNews soo gaadhaya Record number emails loo soo diro
tan iyo intii la aasaasay. Fariimaha emailada ku qoran oo aad u fara
badnaa waxay xambaarsanaayeen fariimo tahniyad & hambalyo isugu
jira. Fariimaha oo buux dhaafiyay inboxka shabakada & boggaga ay
CakaaraNews ku leedahay Facebook, Twitter, Digg, iyo YouTubeka oo loo
soo marinayay fariimahaas ayaan waxaan door bidnay inaan idiin soo
qaadno qaar ka mid ah fariimahaas oo aan hoos idiinku soo bandhignay
Hambalyo... Hambalyo
waxaan halkaan ugu hambalyeynayaa guleed casowe jagadii loo
magacaabay oo ah mid uu aad iyo aad wax badan ugu badali karo waxna ugu
qaban karo horumarka warfaafinta DDS iyadoo maanta aad loogu baahan
raga guleed oo kale oo aqoon wanaagsan u leh horumarinta wacyi gelinta
iyo la socodsiinta horumarinta DDS ta waxaana guleed u rajeynayaa
inuu ilaah la garab galo xilkaan loo magacaabay. wabilaahi
towfiiq ahlasunawaljameecaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa
Ahmed Omar
UK
Hambalyo... Hambalyo
anoo ah qurbajoogta udhalatay dds ookunoolwadanka sweden
waxaan halkan ugahanbalyay nayaa wasiirka cusub guuleedcasoowe
iyowalibana dawlada habsami usocodkeeda waxaanan rajaynayaa inay noqoto
tii horumar gaadha iyo himilo
Geele
Sweden
Hambalyo... Hambalyo
Annaga oo
ah dhammaan shaqaalaha Radio Jigjiga, Idaacadda Codka Nabadda iyo
Horumarinta Degaanka Soomaalida Itoobiya, waxaan hambalyo iyo bogaadin
aan u diraynaa wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dalxiiska iyo
Dhaqanka Degaanka Soomaalida, mudane Guuleed Casoowe. Haddaba haddii
aannu nahay shaqaalaha Radio Jigjiga waxaannu leenahay hambalyo.
Waxaannuna wasiirka cusub kula talinaynaa inuu sii wado tubta toosan ee
ay ku socdaan hoggaanka degaanka Soomaalidu.
Dhammaan Shaqaalaha Radio Jigjiga oo ay kamid yihiin.
1. Cabdi Mula
2. Cabdiraxmaan Sheekh
3. Najiib Khaliif
Hambalyo... Hambalyo
waxaan halkan uga hambalyeynaayaa guled casaawe ,waxaanan illaahay uga rajeynaayaa in uu xilkaas ku asturo
Guled Abdullahi (Guyo Malabo)
Hambalyo... Hambalyo
Guleed
casoowe waxaan kuugu hanbalyanayaa hawsha karaamada leh ee lagu
magacaabay waxaan filidoonaan inaad ka soo dhalaali doonto laguguna
abaal marin doono. waa sxb danab ugaas kanada ila soo xidhiidh.
Danab Ugaas
Canada
Hambalyo... Hambalyo
"Guled:
aad baan ugu kalsoonayahay inaad ka soo baxayso xilka laguu magacaabay.
Ilaahayna waxaan kaaga baryayaa inuu kuu fududeeyo shaqada. AAMIIN"
Sheck Adan (Via FaceBook)
Hambalyo... Hambalyo
"Woow
dadaalka uu sameeyay Mudane Guuleed ayaa u sabab ah in wasiir loo
magacaabo waxaa sharaf u ah kililka in dad badan ay guuleed ku dayan
doonaa misena ay garawsan doonaan natiijadoodu inay noqon doonto meel
sare...
Guuleed Ilaahay hakugu asturo xilka laguu dhiibay waxaaban aaminsanahay kan inuu kugu yar yahaye"
Ahmed Mohamed (Via FaceBook)
Hambalyo... Hambalyo
"man
sha allaaah wisiir GULEED,, waad mutaysatay xilka in lagu dhiibo
waa nad uqwalantaaa waxaaana aaminsanahay inaaad siday tahay uga
sobixii in sha allaaaah ilaaahayna hakula garabqabto,, qofkasta oo
wadani ahna xaqbuu uleeyahay inuu wax kasta uu aqoon uleeyahay
inuu xilkeeda qabto like Guuleeed "
Shabcaan Abdinur (Via FaceBook)
Hambalyo... Hambalyo
Dear Mudane Guuleed,
Aad
baan ugu farxay akhbaartan cusub iyo xilka laguu xushay inaad xilkiisa
dhabarka u ridato, waxaanna aaminsanahay inaad aad tahay right person
ka ka soo bixi karo xaaladan aan ku jirno iminka bulshadana wax weyn
aad u qaban karto.
Naga guddoon salaan badan iyo farxad iyo weliba sawiradeenna ka qoys ahaan haddii aan nahay reer Cabdi.
Waxaan ku leenahay ku ciid sanad wanaagsan.
Cabdi/Meqdes iyo Keyd iyo Magan Cabdi
Addis Ababa
Hambalyo Hambalyo.
Waxaan
hambalyo hawada usoo marinayaa bahda saxaafada deegaanka soomaalida oo
aan leeyahay waad hesheen wasiirkiinii oo ah nin ujajaban dhinaca
warbaahinta,
Mudane Guuled Maxamed Maxamuud Casoowe waxa uu
muddo dheer si mutadawacnimo ah ugu soo dhex jiray hawlaha baahinta
wararka deegaanka la xiriira dhinacyada horumarka iyo nabad galyada
sido kale waxa uu qayb laxaadleh ka qaatay filmka murtida xambaarsan
ee dhari agoomeed-
Guuleed Casoowe waxa aan leehay sxb maanta
maadan noqon wasiirka warfaafinta ee horay ayaad u ahayd iskaa wasaarad
iyo qalabkeedii waxana ilaahay kaaga baryaynaa inaad xilkan ugudato
sida xilkasnimada ah ee lagugu yiqiin aniga oo sida kale
uhambalyaynaya masuuliyiinta haatan garatay in waajibaadkaas laguu
magacaabo oo aan leehay Guuleed horay ayuu u istaahilay ee waan soo
dhawaynaynaa hadii aad haatan garateen,
Xukumadu qofka waxqabadkiisa
haku qiimayso sida uu Guuleed yare iskii umuujiyay mudada dheer
shaqada mutadawacnimada ah isaga oo dhaawacay nabad-diidka xanuun
tiiraanyo ku reebayna ugaystay
Talk The Fact
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Hambalyo DDS
waxaan
aad ugu faraxanahay magacaabida loo mbadmaagacaabay saaxiibkan guuleed
casaawe xilkan cusub hadaan nahay jaaliyada degan uk,sababta ooah
waxaanu ognahay inuu waxbadan kabadalaayo xaga warbaahinta anagoo ku
naqaan firfircooni inuu kasoobixi karo sidaa uu runtii uu uhantay war
baahinta dowlada deegaanka runtiiwaxaanu ku faanaa wararka aan ka
aqrisano cakaara oo iyadana dad badan indhahooda ku soo jiidanay raga
warxuma tashiilkana aan kaga guulaysanay markaanu hor dhignay
horumarka kililka taasna waxaa inoo sahlay guuleed iyo cakaara waad
mahadsan tihiin
Mowliid Gafoofe
Jaaliyada UK, London
Salaan & Tahniyad
Waxaan
u hambalyeynaya mudane GUULEED CASOOWE xilka cusub ee loo dhiibay,
runtii waxaan rajo weyn kaqabaa inaad isbadel balaadhan ka keeni
doonto doorka aad ka u liita ee saxaafadda ay kulahayd soo bandhigista
horumarka balaadhan ee kasocda DDS iyo dhaqanka bulshadeena. Waxaan kuu
rajaynayaa inuu ilaahay kugu asturro xilka
Wali Cali
Bangkok,Thailand.
Via FaceBook
Tahniyad
Waxaan
u hambalyaynaynaa Xukuumada Degaanka Soomaalida magacaabista Madaxa
Xafiiska Warfaafinta wxaanu leenahay Mudane Guled Casoowe waxaanan
rajaynayaa in Allah kugu asturo xilkaasi laguu dhiibay, adiguna inaad
isku daydo inaad noqoto mid xilkaasi si daacada u guta, Amen
Muhydin Ali Biyo
Via FaceBook
Hambalyo Hambalyo
Hadaanu
nahay Shacabka Degaanka Soomaalida waxaan xukuumada Degaanka ugu
hanbalyaynaynaa magaaacista Madaxa Xafiiska Warfaafinta ee loo
magacaabay guuleed casoowe waan oogu ham bal yayn hayaa waxaana lee
yahay sxb mawaadin mooyaane qof kale xil looma dhiibayo"
Shaahid Cali
Via Twitter