Maqaalada

Xaqiiqda Dhoofitaanka & Beenta Dib u Dajinta Ma Xalaal Baa Loo Arkaa?

Sida la wada ogsoon yahay waxaa beryahan danbe soo badanayay in maadaama dalalka horumaray ee bixiya magan galyada & dib-u dejinta ay mudnaanta siiyeen dadka laga tirada badan yahay ama la xaqiro, ama la yaso. Si ay u dhoofaan waxay dadku sameeyaan been iyo asbaabo xaqiiqda ka fog oo ay ku beer laxawsadaan masuuliyiinta Reer Galbeedka oo aad u qalbi nugul.

In la sameeyo aroosyo been-abuur ah, qorasho caruur aan la dhalin & in dad aan waxba isku galin ay isku noqdaan laga dhigto waalid, waa cadaymaha ugu waawayn ee lagu yaqaano in bulshada Soomaalida ay ku codsato dibada. hadaan xaqiiqda laga tagin, waxaa kaloo jirta cabashooyin kale oo badan oo lagu saleeyo arrimo aan sal lahayn oo laga cabanayo falal dambiyeed kufsi, fara xumayn & falal kale oo dadka Soomaalida ee dibada jecel ay ka dhigtaan asbaab ay ku raadsadaan dal ku gal & magangalyo lagu raadsado dalalka Reer Galbeedka.

Si kastaba, ha ahaatee waxaa dhacda in dadka Soomaalida ee dalalka Reer Galbeedka u baqoolaya ay ka been sheegaan da'dooda oo ay qortaan da' yar, iyagoo xaqiiqdii da'dooda runta ah ay tahay wax u dhaw labanlaab ta ay sheeganayaan. Waxaana tusaale wax ku ool ah kuu noqon kara, labadii wiil ee dhawaan loo soo qabtay ama lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dilkii saddexda wiil ee lagu dilay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka, uu Boolisku ku sheegay inay da'doodu tahay 17 sanno jir. Laga yaabo in sida ay u badan tahay uu ka wayn yahay da'da uu qofkaasi sheeganayo

Qoraal laguma soo koobi karo, siyaabaha khaldan ee dadka Soomaalida ay ku doontaan viso ay ku tagaan dalalka Reer Galbeedka. Dhaqan kale oo dhawaanahan ku soo batay dadka Soomaalida ee ay madax martay xumada dibad jacaylka.

Waxaa jirta in dad badan oo ka soo jeeda Degaanka Soomaalida ay inta ay tagaan Soomaaliya ama xeryaha Qaxootiga ee Kiinya ay sheegtaan inay ka tirsan yihiin beelaha Reer Baare, Tunni, Mareexaan ama Shariif iyo beelaha kale ee la xaqiro, kuwaas oo dalka Maraykanku uu siiyo mudnaanta dib-udejinta.  

Sida la wada ogsoon yahay, qaar fara badan oo ka tirsan nabad-diidka UBO oo Maxamed Cumar Cusmaan uu ka mid yahay ayaa la sheegaa inuu dad badan oo qoyskiisa ka tirsan uu ku dhoofiyay inay ka soo jeedaan Beesha Gabooyaha. Hadaan tusaale u soo qaadano waxaa Inna Cumar Cusmaan uu ku joogaa dalka Ingiriiska isagoo sheeganaya inuu yahay Reer Geydh Gabooye, halka xubno fara badan oo qoyskiisa ka tirsan uu ku bixiyay Reer Caydiid Gabooye. Labadan reer ee Reer Caydiid iyo Reer Geydh ayaa ah laba reer oo ka soo jeeda qoysaska laga tiran badan yahay ee ku nool Degmada Gunagado

Cali Muuse
is a This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it Independent Journalist and can be reached on This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan CakaaraNews.com

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.