Maqaalada
Qabiil Qaran Ma Noqon Karaa, Qowmiyadiisana Ma Quudhsan Karaa?
Haddii aan nahay guud ahaan dhammaan ismaamulka xukuumadda Dowladda Degaanka Soomalida ee ka tirsan Dowlad wadaagga xukuumadda Federaalka Itoobiya, waxaa markhaati ma doonta ah inaan dib uga dhacnay 19kii sanadood ee aan xorta ahayn dadaalkii loogu jiray horumarinta dhaqan dhaqaale ee shakhsi walba oo wadaniga ah xaqa uu u lahaa haddii ay noqoto horumarinta arrimaha aasaasiga bulshada, sida waxbarashada, caafimaadka, ka faa’idaysiga beeraha iyo xoolaha nool, markii naloo eego qowmiyadaha kale ee ku dhaqan waddankeenna Itobiya sababa jira awgood oo ay abuureen koox yar oo dana gaar ah leh iyo mid shakhsiyeedba. Kuwaas oo iminka ay u egtahay inay meesha ka baxday.
Hase ahaatee haddii aan u soo noqdo qodobadaan ka hadlayay aan u kala saarno saddex qodob oo mid walba aannu ka dhex heli karno jawaabihii su’aalihii aan isa soo weyddiinay ee kor ku xusnaa.
I. QARAN:- Wuxuu ka koobnaan karaa Qowmiyad qudha ama Qowmiyado isu tagay, oo meel wada degan kuna heshiiyey dastuur/shuruuc ay kuwada noolaadaan, waxna ku qabsadaan, dan qudhana wadaaga oo ay dhammaantodba dan ugu wada jirta dalka iyo dadkaba.
II. QOWMIYAD:- waa dad/bulshooyin meel ka soo wada jeeda oo isku isir, isku dhaqan, isku af ah oo Rabbi meel isugu wada keenay, iskuna qasban inay danahooda ka tashadaan waxna kuwada qabsadaan, kuna noolaadaan si xushmad iyo nabdooni ku jirto oo ay weliba dalkooda iyo dadkooduba dani ugu jirto.
III. QABIIL:- Qabiil waa qaab dhismeed jiritaanka Qawmiyad meel ku wada nool qaybaheeda hoose ee ay u kala baxday, waxayna u sii kala baxdaa jilib- jilib/laf-laf, reer-reer degaanadooda iyo degmooyinkooduba u kala gaar ah haddii ay doonaan isku baad biyo ba wadaagi kara. Dhaqan ahaanna taariikh soo jireen ah lahaan jiray oo xeerar wanaagsan isku dhaqi jiray iskuna hoggaamin jiray qarniyadii hore, saamayn weynna ku leh bulshooyinkeenna xoola dhaqatada ah dhexdooda.
Marka aan ka eegno dhanka wanaagsan sida aynu aaminsan nahay waa in la isku garto sida sumadda xoolaha meel un loogu astaameeyo, oo waxaa kale oo ka mid in la isugu gurmado haddiiba colaadi, abaaro/aafooyin dabiici ah soo food saarto reer ama jilib ka mid ahaan dadkaa.
Haddaba hoos aan u eegno qarnigan casriga cusub ee dadweynaha adduunka ay ku jiraan ee ah qarniga 22aad, ma la saan qaadi kartaa ku dhaqanka qabyaaladda? Tusaale ahaan, taariikhda dhow maxay inaga baraysaa!
Qabyaalad baa aabba u ahayd burburkii ku dhacay waddanka aan deriska nahay ee Soomliya. Qabyaalad baa aabba u ahayd gumaadkii ba’naa ee ka dhacay waddanka Rwanda.Qabyaalad baa aabba u ahayd dhibkii gaaray Liberia, Searalone seraleon. Qabyaalad baa aabba u ah kan ka taagan Kongo-Zair, maxaa ka taagan yemen? Haddii aan u soo noqona qofka caadiga ah ee ka tirsan bulshadeenna ku dhaqan ama ka soo jeeda meeshuu doonaba ha ku noolaade DDS wuxuu u baahan yahay marka hore inuu isu arag dadka kale inuu ka qabiil wanaagsan yahay, ka tiro badan yihiin reerkooda kuwa kale kana caqli wanaagsan yihiin inta kale oo aysan jirin reer ka wanaagsan reerkooda markii reeraha oo idil la isbarbar dhigo. Markaad dhex gashid dadkeenna guud ahaan waxaa inta badan dhegahaada ku soo dhacayo “War ma anigoo reer hebel ah/ina hebel ah ayaad ila hadli kartaa ama ka hadli kartaa meel aan joogo” war haddaba su’aasha loo baahan yahay in jawaab wax ku ool ah loo helo, una baahan in laga dhaadhiciyo bulshaweynta ku nool DDS oo weliba u baahan in laga wacyi geliyo aaminidda aragtida khaldan ee ku aadan qabiil keliya ee koox yar oo budhcad ah ku qowlaysato, danna aysan ugu jirin noloshooda iyo nolosha caruurtoodaba iyo jiilka soo socdaba. Ku dhaqanka qabiilka casrigan la joogo wuxuu aasaas u yahay dib u dhaca aannu uga dib dhacnay qowmiyadaha kale la jaan qaadidoodii hore iyo weliba dhib badan oo aan la soo koobi karin, haba ugu badnaato xagga nabadgelyada shakhsiga caadiga uu xaqa u leeyahay inuu helo.
Waxa kale uu carqalad ku yahay kobcinta horumarrinta geedi socodka ku aadan isbedelka ka socda waddankeenna ayna horseedka u yihiin wiilasha hoggaamiya Xisbiga Dimoqraadiga Soomaliyeed ee DDS.
Cidwalba oo wadani ah dibad ama gudaba meeshuu doonno ha joogee waxaa waajib muqadas ah ku ah inuu taageero, lana shaqeeyo maamulkan xorta ah ee iminka jira ee ay ka go’an tahay inay sameeyaan dib u habayn iyo horumarinta shacabkooda. Waxaan ka codsanayaa shakhsi walba oo akhriya maqaalkan inuu ka waantoobo kana fogaado ku dhaqanka qabyaaladda.
Jermiska cudurka qabiilka ku jira ayaa dhaliyay inaan isku meerasno 19kii sanno ee aanu xorta ahayn markii laga reebo sanadkii tagay oo ay maamulka la wareegeen dhalinyaro maskaxdoodu uusan galin cudurkan. Maxsuulkii ka soo baxayna intii yarayd waan aragnaa mirihii wanaagsanaa ka soo baxay, rajo iyo hiddidiilo ayayna geliyeen dhammaan shacabkeenna inta sida wanaagsan u fikirta gudaha iyo dibadabada. War nin walboo qoodigaada si wanaagsan u qodo! Oo weliba ka aan qodan karin ee tabarta yar guus ugu bax. Reer waxba kuu qaban maayee!
Roberto khaakheey caruurta beenta ha u sheegin cafiskana wuu kuu furan yahay!