Maqaalada

Ogaadeen ahaan oo Salaadii Jimcaha La iigu Diiday in Aan Muslimiinta La Tukado‏

Dhaayahaaga oo Dhul Badan Maraa Geel Dhalaayana Waa Ku Tusaan.

Waxaan ahaa 13 jir habeenkii aan Ilaahay amarkii ku riyooday ruux ii soo galay oo i yidhi "Tuko salaada". Illaa maanta alxamdulilaah waan tukadaa,walina Alle ima tusin Jin iyo insi wax salaada waswaas iga galiya. 15 jir ayaan ahaa  maalintii aabahay Alle ha u naxariisto (dhowaan ayaa Hargaysa lagu dilay) uu i yidhi "Aabo waad qaan gaadhay Soonkiina waa kugu waajib noqday ee bilaw".

Shalay oo taariikhdu ahayd maalin Jimce ah 06/03/2010 ayaan u dhaqaaqay dhankaas iyo salaadi Jimce. Masaajid ka mid ah kuwa ugu waaweyn, hadii uusanba ahayn kan ugu wayn dalka Jarmalka magaalada Duisburg xadka Jarmalka uu dalka Holland la leeyahay. Masjidkaasoo ay maamulkiisa hayaan walaalo Turki ah.

Banaanka shishe ee masjidka ayaan ku kulmay 3 Ameerikaanka madaw ah oo dhawaan muslimay oo aanu aad u saaxiib nahay iyo 2 Naajeeriyaan ah. Salaan qaaliya kadib gudaha maasaajidka ayaan u sii ruqaansannay.  Irrida kolkaan joognno ayaa sheekh ka mid ah masuuliyiinta masjidku uu gooni iila baxay. Salaan ayaan u taagay. Waa naxdine, gacantii ayuu dib u ceshaday, hadal boobsiis ah oo cadho kulul  xanbaarsanna igu yidhi “Du Darf Nicht Bei Uns Hier Betten!” oo af Jarmal ah micnihii “Nagulama Tukan Kartid Masjidkan!” Kolkaasuu inta i tukhaan-tukhiyay, ii sii raaciyay “Bitte Gehen Bevor Was Basiert!” Micnihii “Fadlan, iska tag intaysan wax dhicin!”

Alla naxdin waynaa. Kol waan yax-yaxay. Kolla waan cadhooday. Kolna yaab iyo amakaag ayaan af labadii dhowaaqay, oo aan idhi "ma diirrka madaw ayaanan Ilaahay ugu tukan karin Bilaal ba wuu madoobaaye?" "Maya wuu tukaan karaa" ayuu yidhi "kuwa kula socdaaba waa madaw, balse midabkaaga furan (maariin casaan xiga) iyo san-qaroorka kugu yaal waxaad caddaynayasaa inaad Ogaadeen tahay".

Walaalihii Maraykanka iyo Naajeeriyaanka ayaa qudhoodu u qaatay in meesha laysku midab takooraayo, oo aad u xanaaqay, buuq iyo sawaxan aysan filaynin maamulka masaajidku ayaa cirka isku shareeray. Dadkii horay masaajidka u buuxiyay gudihiisa ayaa dibada u soo yaacay. Iyadoo lays yidhi cunsuriyiinta muslimiinta neceb ayaa masaajidkii soo weerartay. Nin waliba wuxuu u soo diyaar garoobay in uu dagaalka jihaadka ah ka ajar doonto. Kolkii uu maamulkii masjidku arkay in talo faraha ka sii baxayso, ayay iga codsadeen in aan xafiiska u raaco. Hase yeehee walaalihii Maraykan iyo Naajeeriyaan ayaa diiday in kaligay luuq la ila galo.

Culumadii Turkiga ayaa iyagoo ka cadhaysan Ogaadeenimadayda (malahooda), iyo meesha buuqa ka dhacay oo ay aniga dusha iga saarayaan, illeen hadii aanan jireenba dhibkan maanta muuqdaa madhaceene. Waxay yidhaahdeen iyagoo walaalihii ila socday u muujinaaya in xaalku uusan ahayn sida ay moodayaan ee midab takoor eh, “Ninkani waa nin Ogaadeen ah ,Ogaadeenna tiraba sadex goor ayay na xadeen.” Iyagoo hadalka sii wada ayay culimadu yidhaahdeen, “Intay noo yimaadeen ayay nagu yidhaahdeen, “waxaannu nahay dad muslimiin ah. Waxaa na gumaada, gabdhahayaga kufsada, horumar noo diiday, inaanu diintayada caabudno noo diiday, gaalo Ethiopia la yidhaa. Waxaanu nahay ONLF. Waxaannu doonaynaa in nala caawiyo.”

Waxaanu siinnay kol 10.000 US$ kolla 7000 US$. Aakhirkii waxaannu ogaannay in ay lacagtaas aanu siinay iyaga dhexdoodu ay isku laayeen, Jarmalka dhexdiisa qaybsigeedii, oo ay mukhaadaraad Jaad la yidhaa ku cuneen, Culimada Turkiga waxay sheegeen in “iyaga dhexdooda ayuun baana, isa soo jaajuusay. Sidaas darted, maamulka muslimiinta ee masjidka wuxuu go’aansaday “No Ogaden in the Mosque!” “Masjidka Ogaadeen waa ka mamnuuc!”

Walaalihii dagaalka igula jiray ayaa anigii i eegi kari waayay, balse waxaan u sheegay in aanan ogaadeen ahayn. Waxayse iigu darreen nimankii Turki in Abaskuusha aan u sheegtay waligoodba may maqal. Kolkii aan u sheegtay Reer Jigjiga ayaba mindidii sii soofaysteen oo yidhaahdeen “Aalow caqliga hanaga qaadin!! Miyaanaan ku garanin! Nooga bax masjidka khaa’inyahoow! Cibaadada hanaga nusqaaminine!”

Walaaladii madoobaa ayaa meesha iga kaxeeyay oo i geeyay Masaajid ay leeyihiin qolyo Albaaniya ah. Alla naxdin iyo waji gabax waynaa. Tiina sidii iyo si ka daran ayaa igu dhacday. Waxaa laygala hor yimid, “noo tuugsi, hadhow tana mukhaadarada sadaqada aan bixinnay lagu iibsado.”

“Shalay maan tukanin salaadii Jimce, waxaanan eersaday dhiigga aan la wadaago Ogaadeen.”

Salaadii kadib ayaan labadii masaajidba maamulkoodi la xaajooday waxaanan ka dhaadhiciyay micnaha ONLF iyo ayaan-darada ay shacbigayaga ku hayaan, kufsiga ay gabdhahayga badaan, boobka ay agoontayada ku dhigaan, carqaladaynta joogtada ah ee ay horumarka shacbiga tiigsanaayo ku hayaan, qaraxyada ay iskuulada ka gaystaan, jid-gooyada ay safraha reer miyiga ku dhigaan.

Waxaan u sheegay in aan dhiig ahaan wadaagno, balse ONLF ay tahay jin iyo shaydaan malahayga shacbigayga ilaahay ku imtixaamaayo. Ma aan ahi Ogaadeen, balse waxaan maamulka labadii masaajid ku guulaystay in aan ka dhaadhiciyo, in 98% shacbiga Ogaadeenku xallaal yahay, ee uun 02% tuugta Ilaahay xadhigiisii ka furtay ee meel walba nusqaanta la joogtaa yihiin ONLF isla markaana ay iska ilaaliyaan.”

Sidii ayaa inkastoo salaadii i dhaaftay xaal laygu siiyay lacag gaadhaysa 1300 US$ oo aan kolkii danbe qaarkeed celiyay. Waxaayna  labada maamul ee masaajidda  haatan ballan ii dhigeen si aan war bixin guud iyo sawirka dhabta ah ee ONLF iyo waxa dhabta ah meesha yaalla uga siiyo 25 bishan March.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.