Obama oo helay Nobel

Madaxweynaha Mareykanka Barak Obama, ayaa ku guuleystyay abaalmarinta Nabadda ee Nobel. Madaxweyne Obama wuxuu ku tilmaamay in aanuu u arag in uu ku muteystay hawl uu qabtay, ee uu u arkayo in farriintu ay tahay in uu hadda nabadda wax weyn ka qabto.
Madaxweynuhu wuxuu ku tilmaamay in abaalmarinta uu isagu ku guuleystay ay tahay mid ay mudan yihiin dad badan oo adduunka ku kala firirisan oo caddaaladda u dirira, isla markaana uu iyaga la wadaagayo.
Madaxweyne Obama, waxaa ugu hambalyeeyay abaalmarintan, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, oo ku tilmaamay in Madaxweynuhu u taagan yahay rajo cusub oo wadahadal iyo is qancin lagu xallinayo dhibaatooyinka waaweyn ee dunida.
Hoggaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel iyo Halyeeyga Koofur Afrika, Nelson Mandela, ayaa iyaguna Obama u hambalyeeyay iyaga oo rajo ka muujiyay in Madaxweyne Obama uu sii wadi doono nabadda iyo la dagaallanka saboolnimada.
Dadka qaar ayaa u arka in isu soo dhawaashaha Ruushka iyo Mareykanka ka dib markii Obama uu ka noqday barnaamijkii lidka gantaallada ee Yurubta Bari, iyo qaabka uu u wajahay Iran iyo Kuuriyada Koofureed ay tahay waxyaabaha ka mid noqon kara waxqabadka Obama ee xagga nabadda.
Obama dadka dhaliilsani waxay u arkaan in aanuu weli xirin xabsiga Guantanamo oo markii uu ololaha doorashada ku jiray uu ballan qaaday in uu xirayo.