BBC- Andy Murray waa cayaaryahanka koowaad ee Teniska ee Britain Andy Murray ayaa sheegay inuu la yaabay guushii cayaartiisii afarta wareeg ahayd ee uu la yeeshay Stanislas Wawrinka, iyagoo ku ciyaarayay dhismaha saqafka cusub ee kore loo sameeyay.
Murray ayaa ku guuleeystay won 2-6 6-3 6-3 5-7 6-3, si uu u gaaro ciyaarta quarter final-ka ee Teniska Wimbledon.
Si kastaba ha ahaateen waxa uu yiri "waxay ahayd qaleyl, markii aanu isku kululeynay banaanka, ma aanan rajeyneyn. Waxaan filayay inaan ku ciyaareyno iyada oo aan garoonku dadneyn.
Andy oo ah cayaaryahanka koowaad ee Britain ayaa waxa uu ka cawday inaan la siin digniin ku filan ee cayaarta in gudaha lagu dheeli doono.