Jigjiga(CakaaraNews)Tartanka Ciyaaraha kubadda Cagta ee National-league ayaa ay isku hardiyaan Xulalka Qaranka Bariga Itoobiya waana tartanka Ciyaaraha 2aad ee heer qaran oo ka dhaca guud ahaan dalka itoobiya.
Metahara-Oromia ayaa Saacadihii loogu talo galay Ciyaartii ku dhamaatay in ay Guushii Ku raacdo Xulka Kooxda Kubadda Cagta ee Metahara-Oromia 2 Gool Halka kooxdii ka socotay Xulka Qaranka ee Booliska DDS aynan Waxba Dhalininin.
Addis Ababa (CakaaraNews) Nigerian President Goodluck Jonathan has suspended the national soccer team for two years from international competition. The disappointed President said that the country needs young talent to generate a new and energetic football team.
Guud ahaan dhalinyarada ciyaaraha ciyaarta waxay u kala baxaan labo
qaybood
A) Qof jecel ciyaaraha oo u ciyaara hiwaayad (Hobby) iyo
B) Qof u ciyaara naadi (Professional player).
Hadaba mawduucan waxaan ku qaadaa dhigaynaa qaabka loo xulo ciyartooyga gaar ahaan Kubbada cagta oon isleehay faa’iido weyn bay u tahayn tababarayaasha da’da yar soo koraya.
QODOBKA 1AAD: Sahanka kooxda iyo tababaraha
Naadiyadu badankoodu waxay jecelyihiin inay helaan ciyaartooyo tayo leh oo kor u qaada sumcada kooxda, sidaa darteed ayay maamuladoodu u sameeyaan wado tashi iyo sahan dheer siday u heli lahaayeen ciyaartooy cusub, taas oo lagu jaangoynayo tartamada kooxdu rabto inay ka qaybgasho guulna ka soo hoyso waxayna kooxdu is waydiisaa dhowr su’aalood ooy ka midyihiin :-
1. Waa maxay sobobta kooxdu ay ugu baahantahay Ciyaartooyga cusub?
2. Goorma ayay kooxdu u baahantahay Ciyaartoyga cusub?
3. Goobtee ayay (position) kooxdu rabtaa inuu buuxiyo ciyaartoyga cusub?
4. Muddo intee le’eg bay kooxdu u baahnantahay ciyartooyga cusub?
QODOBKA 2AAD: U kuurgalka Ciyaartoyga
Hadii maamulka isku waafaqaan su’aalahaas jawaabahooga kooxaha qaarkood waxay la gorgootamaan ciyaartoyga iyo Naadigii uu ciyaartooygu ka tirsanaa, kooxaha qarkoodna waxayba u magacaabaan guddi gaara inay soo indho-indheeyaan ciyaartooyo u qalma kooxda.hadaba sahanka kooxda iyo hawsha tababaruhu intaas oo kaliya kuma ekaanayso ee waxay raad-raacaan ciyaartoyga iyagoo ka fogaanaya inay faro galiyaan wixii taabananysa ciyaartoyga shaksiyadiisa ee ka baxsan danta ay kooxdu leeydahay ,raadraacaasna waxaa ugu muhiimsan qodobadan hoos ku xusan:-
1.caafimaadka guud ee ciyartoyga ( jidhka iyo maskaxda )
2.Tixraaca taariikhda ciyaartoyga (Taxamo) afka qalaadna loo yaqaan (CV)
waxaa kale oo looga baahanyahay Cadayn markhaatiya oo qoran (reference letter) hadii loo baahdo
QODOBKA 3aad : Qiimeeynta ciyaartoyga
Qaabka qiimaynta ciyaartoygu waa mid tababarayaasha khibrade leh ay ku kala saaraan faraqa u dhaxeeya ciyaartooy iyo ciyaaryahan (sports man and player) qof jecel ciyaaraha inuu ciyaaro iyo ciyaartoyga xirfada wanaagsan, Ma qof bartaybaa kubbada, mise waa qof u dhashay hanaankeeda?
Ma yahay ciyartooy la tababari karo?
Ma yahay ciyartooy xirfadiisu ayna joogin ooy socoto?
Arinta kowaad ee ugu muhiimsana waa adaabta iyo asluubta ciyaartoyga, tababaruhuna kuma deg-dego go’aankiisa ee wakhti buu siiyaa ciyaartoyga inuu isbedel sameeyn karo. inkastoo ciyaartoyadu ay ku kala duwanyihiin tababarka iyo tartamada, sababtoo ah ciyaartoyada qaarkood kuma wanaagsana tababarka ,oo way xishoodan laakiin waxay ku wanaagsanyihiin tartamada oo xamaasada ayaa gasha, Qaarkoodna waa kuwo ku wanaagsan tartamada ,tababarkana ku liita, oo niyad ma siiyaan wixii aan ahayn tartamo, qaarkoodna labadaba way ku fiicanyihiin.
QODOBKA 4AAD: Diiwaan galinta ciyartooyga
Diiwaanka kooxdu wuxuu u kala baxaa 2 qaybood oo kala ah:-
1).Diiwaanka hay’ada kooxda ama magaca kooxdu deegaanka kaga diiwaan gashantahay
2).Diiwaanka guud ee maamulka iyo maaraynta kooxda ee tirada magacda shaqaalaha iyo ciyaartooyga
Intaa ka dib maalinta la diiwaangasho ciyartooyga waxaa la siiyaa warbixin iyo qoraal ku saabsan heshiishkiisa, taariikhda kooxda, sharciga kooxda, jawdalka tababarka iyo isku–aadka ciyaaraha waxaana si bayaana loogu kala saaraa wuxuu xaq u leeyahay iyo wixii ku waajiba. Sidoo kalena waxaa lagu booriyaa inuu fuliyo sharciga kooxda xafidana sirta kooxda kana aadkaado saacada.
Intaa dabadeed tababaruhui wuxuu ku darayaa ciyartoyga diiwaankiisa u khaaska ah ee loo yaqaano diiwaanka farsamada ( technical list), ee ciyaartoyga kooxda iyo xulka kooxda (team players & selection team ) kaas oo go'aankeeda iyo sirteeda uu leeyahay tababarahu ciyaartoyga safanaya, kuwa kaydka ah iyo ciyaartoyga la laylinayo ee mustaqbalka kooxda iwm.
Digniin: Ciyaartoyga dabeecada xun waxaa ka xun ciyartoyga daaha badan.
Adis-Ababa (CakaaraNews) Warkan oo aanu khadka taleefanka ku waraysanay, Dr Cali Xasan Siciid oo
dhanka cafimaadkooga ka caawinayay ciyaartoyada DDS ee uga qaybgalayay
Tartankaa Ciyaaraha Qaranka Itoobiya.
Munaasabadan casho sharafeedka ah oo loo qabtay dhalinyaradii ciyaaraha
olompicada Itoobiya ayaa kadhacday Hoolka Milliniumka A.A,
munaasabadaas oo ay kasoo qayb galeen ciyaaryahanada 9 ka D/deegaan oo
dhalinyarada wacdaraha ka muujiyay tartanadii kala duwanaa ee Sportiga
ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxwaynaha Itoobiya Girma Waldha Gorgis.
Waxaana ka hadlay munaasabadaas Wasiirada Sportiga iyo Dhalinyarada Fadaralka Itoobiya Marwo Aster Mamo,oo sheegtay in ay sii laba jibaarayaan dadaaladaas arimaha isboortiga lagu horumarinayo,waxayna umahad celisay raysal wasaaraha itoobiya Atoo Malaz Zenaawi.
Ugu danbayntiina waxay masuuliyiintii abaal marino siiyeen deegaanadii
guulaha kala duwan ku gulaaystay oo uu
deegaankeenu ka mid yahay ayaa
abaal gudyo loogu qaybiyay iyo loona soo jeediyay mahad celino
balaadhan ciyaartoyadaa munaasabada loo qabtay iyo
masuuliyiintii,tobabaradii ka qayb qaatay ama sida wanaagsan usoo
ababulay, oo ay hogaaminaysay Ciyaartoyada kasocday Caasimada
Adis-ababa.
Hadaba waxaa lafilayaa Ciyaartoyadii kasocday DDS in ay maalinta Axada soogadhaan magaalada jigjiga.
CakaaraNews
Accordingly 40,000 birr has
been awarded for gold winner, 30,000 birr for silver winners and 20,000
birr for bronze medalists, respectively.
Speaking on the
occasion, Minister of Youth and Sports, Aster Mamo said the result
achieved by the national squad during the Berlin World Athletics
Championships was "outstanding" in the face of fierce competition from
other competing nations.
She called on the general public to
actively participate in athletics sport so as to broaden the
opportunity for the succeeding athletes.
President Girma
Woldegiorgis urged the stakeholders in athletics sport such as the
Ethiopian Athletics Federation, The Ministry of Youth and Sports and
the Ethiopian Olympic Committee, among others to coordinate their
effort to improve the status and performance of athletics in domestic
and international competitions.
The president reiterates the government commitment to support the growth of athletics sport in the country.
Meanwhile,
Kenenisa Bekele has been honored in front of the president of the
country and senior government officials for his courage and stamina for
winning two gold medals to his country in the men 5000 and 10,000
meters competitions during the Berlin World Athletics Championships.
Kenenisa was adorned with gold medal attached with the flag of the
country.
Coaches and delegation members have also received
certificate and money prize ranging from 10,000 to 2,000 birr for their
valuable contribution in the hands of the President Girma.
Ethiopia
finish seventh with two gold, two silver and four bronze medals out of
201 countries during the 12th IAAF World Championships in Athletics
held in Berlin from 15-23, August 2009. (EFF)