Jigjiga (CakaaraNews) Waxaa Hoolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdile Xasan lagu qabtay Wada tashi ay iska kaashadeen
Read more...
veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea

veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea
Jijig(Cakaaranews)Shirkan oo uu hogaaminayay agaasinka qorshaynta iyo borogaraamada ee xafiiska kahortaga iyo xakamaynta HIV/AIDSka ee dawlada deegaanka soomaalida mudane Maxamuud Axmed Nuur ayaa wuxuu sheegay in saaka ay shirkuyeesheen xafiiska gudi kakooban 28 qof oo lanool cudurka HIV/AIDSka oo kakala yimid dagmooyinka gobalada Jigjiga, dhagaxbuur, Shiniile iyo Goday.mudan maxamuud wuxuu intaa kudaray in Ujeedada shirkan ay ahayd sidii looga wada hadli lahaa qaabka iyo siyaabaha loo hirgalinlahaa wacyigalinta HIV/AIDSka ee xafiisku rabo in laga hirgaliyo goobaha ay kayimaadeen gudidani. Mudane maxamuud waxaa kale oo uu sheegay in kharashka wacyigalintan oo uu gabi ahaanba xafiisku bixiyay looshubay dalada HIV/AIDSka ee deegaanka lanarabo in maalmahan soo socda ay afar kooxood oo ka kooban dadka cudurka HIV/AIDSku uu dhiigooda kujiro iyo wariyeyaal ukicitimaan gobalada si ay wacyigalin mudo hal bil ah soconaysa u bilaabaan.