Jigjiga (CakaaraNews) Waxaa Hoolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdile Xasan lagu qabtay Wada tashi ay iska kaashadeen
Read more...
veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea

veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea
Jijiga (Cakaaranews.com)
Waxaa shalay hawlgalkoodii shaqo bilaabay gudiga joogtada ah ee
baarlamaanka u qaabilsan arimaha bulshada Hawlgalkan
shaqo oo si isku mara uga bilaabmay dhamaan dagmooyinka gobalada Jigjiga iyo Shiniile ayaa ah mid uu gabi ahaanba
kharashkiisa bixiyay xafiiska kahortaga iyo xakamaynta
HIV/AIDSka ee dawlada deegaanka
Soomaalida. Ujeedada ugu wayn ee Socdaalkan shaqo ayaa ah in ay gudigu soo
darsaan heerka kaqaybgalka ladagaalanka HIV/AIDSka ee bulshada, hay’adaha dawliga ah iyo hay’adaha aan dawliga ahayn ee kajira dagmooyinka gobolada Jigjiga iyo
Shiniile. Sida uu sheegay Kusimaha xafiiska kahortaga iyo xakamaynta HIV/AIDSk ee dawlada deegaanka Soomaalida Mudane maxamuud Axmed Nuur socdaalkan shaqo wuxuu socondoonaa mudo laba todobaad
ah iyada oo uu xubin kasta oo gudiga
kamid ahi uu xog uruurin samayn doono.
Dhinaca kale wuxuu Xafiisku daraad u diray deegaamada Canfarta, koonfurta (dhabuubka) iyo Ismaamulaka Adhis Ababa koox ka kooban 15 shaqaalaha Xafiiska kahortaga iyo xakamaynta HIV/AIDSka ee dawlada deegaanka Soomaalida. Shaqaalahan oo laga soo kalaxulay dagmooyin aan hada kahor shaqaalahoodu helin furdsad aqoon iswaydaarsi ayaa wuxuu xafiisku aaminsanyahay in aqoon iswaydaarsigani uu waxwayn kabadali doono dadaalkooda shaqo ee ay samayn jireen hada kahor.
Waxyaabaha ay aqoon iswaydaarsiga kusamayndoonaan ayaa waxaa kamida;
1. Wadaxaajoodka bulshada (community conversation).
2. Dhiig iska baadhista kusalaysan rabitaanka (voluntarily counseling and testing )
3. Kulamaanaynta HIV/AIDska ee shaqoyinka ( mainstreaming )
4. Isticmaalka daawooyinka difaaca jidhka kordhiya ( Anti retroviral therapy )
5. Daryeelka iyo lanoolaanshaha dadka HIVgu dhiigooda kujiro.( palliative care)
6. Daryeelka agoonta waalidkooda uu HIV/AIDSku dilay ( orphan and vulnerable children)
7. Shaqo usamaynta dumarka jidhkooda kaganacsada (income generating for commercial sex workers).
8. Wacyi galinta bulshada ee HIV/AIDSka ( HIV/AIDS awareness raising)
9. Qaybinta Koondhamka raga iyo dumarka ( Condom distributions)
10. Ka go’naanshaha bulshada ee HIV/AIDSka (Social commitment on HIV/AIDS).