Jigjiga (CakaaraNews) Waxaa Hoolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdile Xasan lagu qabtay Wada tashi ay iska kaashadeen
Read more...
veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea

veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea
Xafiiska Kahortaga iyo xakamaynta HIV/AIDSka ee Dawlada deegaanka Soomaalida iyo Fadareeshinka Dhalinyarada ee Dawlada deegaanka Soomaalida.Sida uu sheegay madaxa xafiiska kahortaga iyo Xakamaynta HIV/AIDSka ee dawlada deegaanka Soomaalida Mudane C/Fataax Siciid wada tashigan oo socday mudo halmaalin ah waxaa kasoo qaybgalay dhalinyaro kakooban 1000 qof oo ka kala socda 25 urur iyo masuuliyiin kaladuwan oo heer deegaan ah.
Shirkan oo lagu soo bandhigay riwaayado iyo gabayo kusaabsan HIV/AIDSka waxaa hadalo kajeediyay musuuliyiinta ay ka midka yihiin Mudane C/Fataax Siciid( Madaxafiiseedka HAPCO) iyo Farxaan Xuseen ( Madaxafiiseedka xafiiska isboortiga iyo dhalinyarada).Shirkan oo uu gabi ahaanba kharashkiisa bixiyay xafiiska kahortaga iyo xakamaynta HIV/AIDSka ee dawlada deegaanka Soomaalida waxay ujeedadiisu ahayd;
1. In dhalinyarta lagu wacyi galiyo khatarta iyo dhibaatada uu HIV/AIDSku kuhayo deegaankeena
2. In latuso faa’iidooyinka ay leedahay isbaadhida kusalaysan rabitaanka(VCT)
3. In labaro dhalinyarta hababka ay isugu gudbinlahaayeen aqoontooda kusaabsan HIV/AIDSka( youth peer education).
4. In labaro dhalinyarta hababka ay aqoontooda kusaabsan HIV/AIDska ugu gudbinlahaayeen bulshadooda (Social mobilization).
Ugu danbayntii Mudane C/Fataax Siciid wuxuu sheegay in wada tashigani uu noqon doono mid bile ah.ayna ka go’antahay Xafiiska kahortaga iyo Xakamaynta HIV/AIDSka in uu fadareeshinka dhalinyarada wada shaqayn joogto ah lasameeyo.
CakaaraNews