Awaare (Cakaaranews) Sidaad wararkayagii hore kala socoteen waxa uu madaxwaynuhu habeenkii xalay ahaa joogay tuulada gurdumi oo hoostimaada degmada awaare ee gobolka dhagaxbuur waxaana saaka halkaas ka dhacay shir aad u wayn oo ay isugu soo baxeen shacabka tuuladaas gurdumi.
Haddaba waftigii uu madaxwaynuhu horkacayay ayaa kadib markay saaka sifiican ula shireen shacabka gurdumi kadib u kicitamay dhanka degnmada awaare waxayna goor duhurnimadii ah gaadheen degmada awaare waxaana duleedka awaare si aad u balaadhan aadna loosoo agaasimay usoo dhaweeyay shacabka degmadaas oo kaga horyimid meel aad ugasoofog magaalada awaare maadaama ay inbadan sugayeen waftiga uu madaxwaynuhu hogaaminayo aadna ugu xiiso qabeen ama la odhan karo way ujeelanaayeen waxayna kusoo dhawaynayeen caleemo qoyan iyo ciyaaro dhaqameedyo kala duduwan oo ubadnaa dhaantooyin.
Haddaba Soodhawayntaas iyo nasiimo yar kadib ayaa waxaa shir isugu yimid shacabka degmadaas oo aad u farabadnaa iyo waftigii uu madaxwaynuhu hogaaminayay waxaana lagu kulmay oo uu shirkaasi ka dhacay garoonka wayn ee magaalada awaare oo ay isugu soo baxeen dad xad dhaaf ahaa sida aad ka aragtaan sawiradan.


Shirkaas oo ahaa mid arimo badan lagaga hadlayay ayaa waxaa sidii caadada ahayd halkaas khudbad dheer kasoo jeediyay madaxwaynaha oo kahadlay arimo badan oo laxidhiidha dhinaca horumarka iyo nabadgalyada isagoo sidoo kale ay khudbadiisa kamid ahayd faahfaahin dheeri ah oo uu madaxwaynuhu ka bixinayay qorshaha kobaca dhaqaale ee shanta sano iyo qodobada ku jira mid kamid ah oo ah taakulaynta xoolo dhaqatada deegaanka lana rabo in xooladhaqatada loo hirgaliyo inay meesha ay deganyihiin ku helaan wixii ay awal socdaalada dhaadheer u gali jireen sida daaqsinka xoolaha iyo biyo.
Sidoo kale waxaa iyaguna halkaas ka hadlay oo afkaartooda iyo waxyaabaha ay dawlada ka codsanayaan kasoo jeediyay shacabka degmada awaare iyadoo uu madaxwaynuhu sifiican u dhuuxayay hadalkooda kana jawaabayay wixii jawaabid uga baahan wixii kalee codsi ahna halkaas kaga aqbalay gabi ahaanba.

Haddaba shirkaas oo ahaa mid aad u balaadhan ayaa waxa uu ku dhamaaday farxad aad u saraysa iyo jawi wanaagsan waxaana intaa kadib loosii gudbay dhanka kulamo uu madaxwaynuhu layeelanayay maamulka degmadaas awaare kulankaas oo ahaa in uu madaxwaynuhu qiimeeyo waxqabadka maamulka degmada awaare ee dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ayaa ila hadda oo ay habeenimo tahay kasocda hoolka shirarka ee degmadaas, waxaana shirkaas iyagu waxqabadkoodii warbixin faahfaahinaysa kasoo jeediyay maamulka degmada awaare islamarkaana madaxwaynaha ayaa maamulka ku booriyay kuna adkeeyay inay aad ugu dadaalaan aadna xooga usaaraan u adeegida shacabka iyo qancinta shacabka oo kubooriyay inay hadh iyo habeenba u taagnaadaan u adeegida shacabka iyo gargaarka shacabka loona baahanyahay in sidii loogu tallo galay looga midho dhaliyo qorhsha horumarineed ee u yaala dawlada deegaanka soomaalida itoobiya taasina ay hirgalayso marka ay degmo walbaa dhankeed ka hirgaliso dhexdana uga xidhato.
Kulankan ayaa ilaa hadda socda wuxuuna waftigu caawa kusuganyahay degmada awaare wixii faahfaahin ah ee kasoo kordhana dib ayaan idiinkasoo tabin doonaa insha allaah




