Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa jeediyay khudbad dheer oo uu uga hadlayay Bariga Dhexe iyo guud ahaan wadamada Carabta.
Muqdisho (CakaaraNews) Warar laga heley dad wargal ah oo ku dhow afhayeenkii hore ee ururka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Macalin ayaa shaaca ka qaaday inu Sheekhu uu qorsheynayo inuu isu dhiibo dowlada ku meel gaarka ah.
Wada hadalo qarsoodi ah oo maalmahan u socday Sheekha iyo saraakiil ka tirsan dowlada ayaa laga heley in madaxtooyada Villa Soomaaliya ay ballanqaad u sameysa Maxamed Macalin haddii uu isu soo dhiibo dhinaca dowlada.
Cadaadiis xoogan oo isa soo taraya ayaa soo foodsaaray saraakiisha Xisbul Islaam ka dib markii uu sare u kacay isku dhacyada u dhexeeya iyaga iyo Shabaab iyo dilalka tooska ah ee kooxda Shabaab ku heyso saraakiisha xisbiga.
Ilo wareedyo xasaasi ah ayaa CakaaraNews u xaqiijiyey in Sheekh Macalin uu si rasmi ah u go’aansaday inuu u wareego dhinaca dowlada ku meel gaarka ah, arintaasi oo soo xoogeysatay ka dib markii ay maalmihii la soo dhaafay soo bateen digniino iyo hanjabaado isaga ka dhan ah oo ay u soo dirayeen saraakiil ka tirsan Shabaab.
Sheekh Macalin waxaa uu ahaa xoghayihii warfaafinta ee Xisbul Islaam, ka hor intii aan loo magacaabin xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga.
Warkan ayaa soo baxay xilli labadii maalmood ee la soo dhaafay ay jireen isku dhacyo hubeysan oo u dhexeeya dhinacyada Shabaabka iyo Xisbul Islaam. Waxaana maalintii dorraad sidoo kale Shabaabku dileen 2 sarkaal oo ka tirsanaa Xisbiga.
Xiriirka labada dhinac ayaa mudooyinkanba ku dhisnaa kala shaki ka dib markii hadalo ay soo saareen labada dhinac ay si toos ah isugu eedeeyeen.
CakaaraNews
Muqdisho (CakaaraNews) Wararka kasoo baxaya Maamulka Degmada Ceelbarde ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in kooxaha ka soo horjeeda ay ku xanibeen Gawaari siday Rashiin oo la doonaye in la soo gaarsiiyo shacabka ku dhaqan Degmada Ceelbarde.
Ibraahim Cumar Dheere oo ah gudoomiyaha Degmada Ceelbrade ee Dowladad KMG Soomaaliya ayaa sheegay in xanibaadaasi ay saamayn wayn ku yeelatay shacabkii loo waday rashiinkaasi, taasoo caqabad xagga nolosha ku noqotay shacabka dagan Gobolka Bakool.
” Gawaari gaaraya 15 ayay Kooxda Al Shabaab ku xanibeen Degmada Xudur, Wax raashiin ah masoo gaarin Degmada Ceelbarde mudoo ku dhaw saddex maalin,Raashiinka waxuu ku xayiranyahay Degmooyin ku dhaw dhaw Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool”, ayuu yiri Gudoomiayha degmada Ceelbarde.
Ibraahim Cumar Dheere ayaa intaa ku daray in haatan ay ku mashquulsanyihiin inay qabtaan dibadbax ka dhan ah Kooxda Alshabaab xanibaadda ay ugaystayn raashiinkii usoo socday Degmada ceelbarde Ee Gobolka Bakool.
Sidoo kale Gudoomiyaha gobolka Bakool ayaa arintaani ku tilmaamay wax laga xumaado isagoo sheegay in haatan shacabka daga Ceelbarde ay haatan ku dhibaataysan yihiin qaybo ka tirsan Gobolka Bakool.
Si kasataba ha ahaatee Degmada Ceelbarde Ee Gobolka Bakool ayaa dhowr jeer oo horay ku dagaalay Dowladda KMG Soomaaliya iyo Kooxda mucaaraadka ee Alshaaab waxayna saamaynata ugu wayan ku habsataa shacabka ku dhaqan Gobolka Bakool.
CakaaraNews
Muqdisho (CakaaraNews) Mudanayaasha Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay ku kulmayaan Guriga Umada Waxana Xildhibaanada ay maanta ka doodayaan Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Cumar Islow oo ka mid ah Xildhibaanada Dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in ay mudanayaash baarlamaanka ay maanta isugu imaanyaan Xarunta Guriga Umada waxa uuna tilmaamay in lagu wargaliyay dhamaanba Xildhibaanada ku sugan magaalada muqdisho.
Xarunta Golaha Shacabka ayaa haatan waxaa ka socota qabanqaabo ku aadan kulankaasi Baarlamaanka waxaana amanaaka siwayn u adkaynaya ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya.
Wadada Maka Al-Mukarama qaybo ka mid ah ayaa saaka Xiran waxaana lagu arkayaa CIidamo Ka tirsan Dowlada KMG Soomaaliya ku waas oo amaanka adkaynaya
Inta badan kulamada Baarlamaanka ayaa marka ay kadhacayaan waxaa jira Duqaymo lagu garaaco Xarunta Baarlamaanka iyo waliba Madaafiic Cul Culus oo ay ku jawaabaan Ciidamada AMISOM taas oo waxyeelo ka soo gaarto Dadka Shacabkaa, waxaana laga cabsi qabaa in ay Duqaymo Dhacaan
CakaaraNews
Somaliland (CakaaraNews)Waxaa fiidnimada caawa lagu dhawaaqay natiijada kasoo baxday doorashooyinkii madaxtinimada ee ka dhacay Somaliland sabtidii aanu soo dhaafnay.
Deeqa is the long awaited single from the prolific UK based singer/songwriter Aar Maanta’s debut album ‘Hiddo iyo Dhaqan’ and is set for general release with the new acoustic version of the song on July 25th 2010.