Mudane Axmed M. Maxamuud oo Loo Doortay Madaxweynaha Somaliland

altSomaliland (CakaaraNews)Waxaa fiidnimada caawa lagu dhawaaqay natiijada kasoo baxday doorashooyinkii madaxtinimada ee ka dhacay Somaliland sabtidii aanu soo dhaafnay.

Guddiga doorashooyinka oo Shir Saxaafadeed ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ku dhawaaqay natiijada guud ee doorashada,waxaana ay natiijadu ahayd mid sida tan lagu dhawaaqay;

266,906 taas oo u dhiganta 49.50% codadka la dhiibtey waxaa helay Xisbiga Kulmiye

UDUB: 178,881 taa oo u dhiganta codadka la dhiibtey 33.23% codadka la dhiibtey

UCID: 92489 taas oo u dhiganta 17.18% codadka la dhiibtey

Sidaas darteed waxaa doorashooyinka madaxtinimada ee Somaliland ku guuleysatay xisbiga Kulmiye,waxaana Madaxweyne noqonaaya Axmed Maxamed Silaanyo oo ahaa musharaxa u tartamaayay xilka madaxtinimada ee doorashooyinka ee Xisbigaas.waxaana kuxigeenka Madaxweyne noqon doona Cabdiraxmaan Cabdulaahi Shire Saylici.

26-ka Bisha July ee soo socota ayaa lagu wadaa in xilka madaxtinimada Somaliland loo dhaariyo Madaxweynaha cusub oo caawa lagu dhawaaqay ee Axmed Maxamed Silaanyo.

Natiijada codadka ee la soo saarey ayaa ka yar 50%, dadkii is diiwaan geliyey kuwaas oo kor u dhaafayey hal milyan.

Madaxweynaha xilka ka degaaya ee u tartamaayay Xisbiga UDUB Daahir Riyaale Kaahin oo maanta Shir Jiraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu ogolan doono natiijada kasoo baxda doorashada ee lagu dhawaaqi doono.

Heshiiskii ay xisbiyada Somaliland gaareen sanadkii la soo dhaafey ayaa dhigaayey in waqtiga madaxweyne rayaale ay ku egtahay bil kadib maalinta doorashada la qabto, taas oo ku beegan 25 Bishan July.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.