Muqdisho (CakaaraNews) Mudanayaasha Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay ku kulmayaan Guriga Umada Waxana Xildhibaanada ay maanta ka doodayaan Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Cumar Islow oo ka mid ah Xildhibaanada Dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in ay mudanayaash baarlamaanka ay maanta isugu imaanyaan Xarunta Guriga Umada waxa uuna tilmaamay in lagu wargaliyay dhamaanba Xildhibaanada ku sugan magaalada muqdisho.
Xarunta Golaha Shacabka ayaa haatan waxaa ka socota qabanqaabo ku aadan kulankaasi Baarlamaanka waxaana amanaaka siwayn u adkaynaya ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya.
Wadada Maka Al-Mukarama qaybo ka mid ah ayaa saaka Xiran waxaana lagu arkayaa CIidamo Ka tirsan Dowlada KMG Soomaaliya ku waas oo amaanka adkaynaya
Inta badan kulamada Baarlamaanka ayaa marka ay kadhacayaan waxaa jira Duqaymo lagu garaaco Xarunta Baarlamaanka iyo waliba Madaafiic Cul Culus oo ay ku jawaabaan Ciidamada AMISOM taas oo waxyeelo ka soo gaarto Dadka Shacabkaa, waxaana laga cabsi qabaa in ay Duqaymo Dhacaan
CakaaraNews