Kooxda Alshabaab oo Xanibtay Raashiin Loo Waday Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool

Muqdisho (CakaaraNews) Wararka kasoo baxaya Maamulka Degmada Ceelbarde ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in kooxaha ka soo horjeeda ay ku xanibeen Gawaari siday Rashiin oo la doonaye in la soo gaarsiiyo shacabka ku dhaqan Degmada Ceelbarde.

Ibraahim Cumar Dheere oo ah gudoomiyaha Degmada Ceelbrade ee Dowladad KMG Soomaaliya ayaa sheegay in xanibaadaasi ay saamayn wayn ku yeelatay shacabkii loo waday rashiinkaasi, taasoo caqabad xagga nolosha ku noqotay shacabka dagan Gobolka Bakool.

” Gawaari gaaraya 15 ayay Kooxda Al Shabaab ku xanibeen Degmada Xudur, Wax raashiin ah masoo gaarin Degmada Ceelbarde mudoo ku dhaw saddex maalin,Raashiinka waxuu ku xayiranyahay Degmooyin ku dhaw dhaw Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool”, ayuu yiri Gudoomiayha degmada Ceelbarde.

Ibraahim Cumar Dheere  ayaa intaa ku daray in haatan ay ku mashquulsanyihiin inay qabtaan dibadbax ka dhan ah Kooxda Alshabaab xanibaadda ay ugaystayn raashiinkii usoo socday Degmada ceelbarde Ee Gobolka Bakool.

Sidoo kale Gudoomiyaha gobolka Bakool ayaa arintaani ku tilmaamay wax laga xumaado isagoo sheegay in haatan shacabka daga Ceelbarde ay haatan ku dhibaataysan yihiin qaybo ka tirsan Gobolka Bakool.

Si kasataba ha ahaatee Degmada Ceelbarde  Ee Gobolka Bakool ayaa dhowr jeer oo horay ku dagaalay Dowladda KMG Soomaaliya iyo Kooxda mucaaraadka ee Alshaaab waxayna saamaynata ugu wayan ku habsataa shacabka ku dhaqan Gobolka Bakool.

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.