Afhayeenkii Xisbul Islaam oo Qorsheynaya Inuu Dowlada Isu Dhiibo (Warbixin)

Muqdisho (CakaaraNews) Warar laga heley dad wargal ah oo ku dhow afhayeenkii hore ee ururka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Macalin ayaa shaaca ka qaaday inu Sheekhu uu qorsheynayo inuu isu dhiibo dowlada ku meel gaarka ah.

Wada hadalo qarsoodi ah oo maalmahan u socday Sheekha iyo saraakiil ka tirsan dowlada ayaa laga heley in madaxtooyada Villa Soomaaliya ay ballanqaad u sameysa Maxamed Macalin haddii uu isu soo dhiibo dhinaca dowlada.

Cadaadiis xoogan oo isa soo taraya ayaa soo foodsaaray saraakiisha Xisbul Islaam ka dib markii uu sare u kacay isku dhacyada u dhexeeya iyaga iyo Shabaab iyo dilalka tooska ah ee kooxda Shabaab ku heyso saraakiisha xisbiga.

Ilo wareedyo xasaasi ah ayaa CakaaraNews u xaqiijiyey in Sheekh Macalin uu si rasmi ah u go’aansaday inuu u wareego dhinaca dowlada ku meel gaarka ah, arintaasi oo soo xoogeysatay ka dib markii ay maalmihii la soo dhaafay soo bateen digniino iyo hanjabaado isaga ka dhan ah oo ay u soo dirayeen saraakiil ka tirsan Shabaab.

Sheekh Macalin waxaa uu ahaa xoghayihii warfaafinta ee Xisbul Islaam, ka hor intii aan loo magacaabin xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga.

Warkan ayaa soo baxay xilli labadii maalmood ee la soo dhaafay ay jireen isku dhacyo hubeysan oo u dhexeeya dhinacyada Shabaabka iyo Xisbul Islaam. Waxaana maalintii dorraad sidoo kale Shabaabku dileen 2 sarkaal oo ka tirsanaa Xisbiga.

Xiriirka labada dhinac ayaa mudooyinkanba ku dhisnaa kala shaki ka dib markii hadalo ay soo saareen labada dhinac ay si toos ah isugu eedeeyeen.

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.