Nin Chinese ah oo laga saaray Soomaaliya
Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay ka saareen oo ay ka dhoofiyeen waddanka nin u dhashay Shiinaha oo baaskiil ku safrayay arrimo nabadgelyadiisa ah awgeed.
Ninkaasi Shiinaha ah oo la yiraahdo Lee Yue Zhong ayaa wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP u sheegay in uu baaskiil ku maray 114 waddan ilaa iyo markii uu bilaabay safarka uu ku marayo baaskiilka dunida oo dhan, aadna uu uga xumaaday go'aanka booliiska.
Booliiska ayaa sheegay in ninkaasi lagu qabtay Puntland, kadibna loo dhoofiyay Jabuuti.
Mr Zhong oo Konton iyo dhawr sano jira ayaa sheegay in safarkiisa laba toddobaad uu ku qaatay laga soo bilaabo xeebta Somaliland ilaa Puntland.
Waxa uu qorsheynayay inuu tago magaalada caasimada ee Muqdisho, halkaasi oo dagaallo ay lu dhexmarayaan ciidamo u daacad ah dowladda iyo kooxaha islaamiyiinta.