Burcad-badeed Markab Sii Daayay

VOA:- Burcad-badeed Soomaali ah ayaa sii daayay markab laga leeyahay Jarmalka iyo shaqaalihiisii, kadib markii ay ka qaateen madax-furasho gaaraysa hal milyan iyo siddeed boqol oo kun oo doollar.

Burcad-badeedda ayaa markabkan haystay tan iyo 5-tii bishii May, markaa oo ay ka soo qabsadeen biyaha Gacanka Cadmeed.

Wasaaradda Arimaha Dibadda Jarmalka ayaa xaqiijisay siidaynta markabka MV Victoria iyo shaqaalihiisa.

Burcad-badeedda Soomaalida ayaa daraasiin maraakiib ah afduubay labadii sano ee ugu dambeeyay iyaga oo inta badan ka qaata madax-furasho.

Maraakiib dagaal oo ay leeyihiin Maraykanka, Shiinaha, NATO iyo waddamo kale oo caalamka ka tirsan ayaa ilaalo ka haya maraakiibta marta biyaha ka baxsan xeebaha Soomaaliya. 

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews