Qatarta argagixiso ee Soomaaliya

BBC:- Wasiir ka Tirsan Xafiiska Arrimaha Dibadda ee dalkan Britain, Lord Mallock-Brown, ayaa ku tilmaamay waxaa uu tuhun geliyay hadalka uu ku celceliyo Raiisal Wasaaraha Britain, Gordon Brown oo ah in ciidanka Britain ay ka dagaallamayaan Afghanistan si loo baajiyo weerarro argagixiso oo dalkan ka dhaca.

Mallock-Brown, waxaa uu yiri, khatarta argagixso ee ugu daran waxay Britain ka haysataa Pakistaan iyo Soomaaliya. Arrintani waxay ku soo beegantay iyada oo shalay aqalka Odayaasha ee dalkan Britain, uu shalay ka digay khatarta argagixiso ee ka imaan karta Soomaaliya.

Guddiga aqalka Odayaasha u qaabbilsan Midowga Yurub iyo lacagaha argagixisada la siiyo, ayaa waxaa uu soo saaray warbixin uu ku sheegayo in burcad badeedda Soomaaliya lacagaha ay madaxfurashada u qaadato laga yaabo in ay ku maalgeliso argagixisada Islaamiyiinta ah. Guddigu wuxuu sheegay in aan la ogeyn lacagta maraakiibtu ay sharikadaha maraakiibtu madax furashada u bixiyeen inta ay le'eg tahay.

Waxaa kale oo uu sheegay in aan daliil loo hayn in lacagtaas loo gudbiyay kooxo argagixisa ah. Laakiin maaddaama lacagta la bixinayaa ay badan tahay, isla markaana Soomaali faraha laga saarayo, waxaa dhici karta ayay yiraahdaan in ay lacagtaas wax ka siiyaan kuwa Soomaalida kale ee ku jira hawlaha argagixisada. Waxaa Guddigani dalbayaa in sharikadaha maraakiibta Galbeedku ay dowladaha wargeliyaan haddii ay bixinayaan lacag madax furasho ah, si loo ogaado lacagtaas tiradeedu waxa ay tahay iyo dadka ay gacantooda ku dambeyn doonto.

Si kastaba ha ahaatee, in Wasiir dowladda Britain ka tirsan uu sheego in khatarta argagixso ee Britain uga imaan karta Soomaaliya ay tahay mid ka badan tan Afghanistaan uga imaan karta, isla markaana aqalka odayaashu soo jeediyo in la hubiyo in lacagta la ay maraakiibtu madax furashada u siiso burcad badeedda Soomaaliyeed in ay ku dambeyso gacanta argagixisada iyo in kale, ma ahan arrimo u wanaagsan sumcadda iyo ammaanka dadka Soomaalida, gaar ahaan Soomaalida dalkaan deggan. Waxayse dadka qaar u arki karaan in Soomaaliya ay dani ugu jirto in Britain ay ajnedaheeda argagixiso la dirirka ah safka hore uga darto Soomaaliya.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews