Kenya: Muran Ka Taagan Rabshadihii Doorashada

Kenya (VOA) Shacabka Kenya ayaa cadho wayn ka muujiyey dib u dhiga go’aankii la filayey in ay dawlada midnimada ah ee Kenya ka soo saarto cidii ka dambaysay dilalkii ay dadka badani ku dhinteen ee dhacay kadib doorashadii madaxwaynenimada ee 2008-dii.

Golaha Wasiirada ee Kenya ayaa si weyn ugu kala qaybsamay cidda ugu haboon in loo xilsaaro baadhitaanka iyo maxkamadaynta dadkii mas’uulka ka ahaa rabshadihii ka dambeeyay doorashadii lagu muransanaa .

Waxaana jirta in saxaafadda Kenya ay qortay in dambiyadan ay gacan ka gaysteen qaar ka mid ah madaxda dalka kuwaasi oo aan rabin in ay qayb ka noqdaan dambibaadhsita ay qaadayso maxkamadda .

Sidoo kale waxaa jira eedaymo isa soo taraya oo muujinaya in maxkamaddan loo adeegsnayo qorshayaal siyaasadeed, iyada oo ay jiraan baaqyo ka soo yeedhaya dhinacyada qaar oo ku doodaya in dacwaddan loo gudbiyo maxkamada Caalamiga ah ee Hague.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews