Dowladda Kenya ayaa su’aalo weydiineysa afar nin oo heysta dhalashada wadanka Holland oo loo maleynayo iney la shaqeynayeen kooxda ee Alshabaab, sida uu sheegay sarkaal u hadlay dowladda Kenya. Afartan nin oo saddex asalkoodu ka soo jeedo wadanka waqooyiga Afrika ee Marooko midka afaraadna uu Soomaaliya ku dhashay ayaa booliisku ku istaajiyeen iyagoo ku soo socda magaalada xadka Soomaaliya iyo Kenya ku taalla ee Kiunga.
Stephen Ikua, gudoomiya degmada Lamu ayaa sheegay in dadyow dibedaha ka yimid ay gargaaraan Alshabaab, nimankanna looga shakisan yahay iney gobolka u joogeen iney gacan siiyaan, ururkan lagu sheego iney ka mid yihiin dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee Alqaacida.
Gudoomiyaha Lamu Ikua, wuxuu sheegay in afartan nin ay kulligood 21 jirro yihiin sida ku qoran baasabooradooda oo ay ku andacoonayaan iney dalxiisayaal ahaayeen inkastoo halka laga soo qabtay aysan aheyn meel loo dalxiiso.
Gudoomiyaha ayaa sheegay iney xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya ka soo kireysteen CagafCagaf si ay u geyso Kiunga. Madaxa Booliiska gobolada xeebaha Leo Nyongesa ayaa isna cadeeyey in shaki weyn ay ka qabaan hawlaha ay u joogeen nimankaasi, waxaana hubaal ay ayuu yiri iney ku xiran yihiin kooxda Alshabaab.
Waxaa la filayaa in afarta nin loo duuliyo Nairobi isla todobaadkan.