Minneapolis: Qofkii saddexaad oo Somali-Mareykan ah ayaa shalay ka hor qirtay maxkamad ku taalla gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, inuu tababar la qaatay ururka Al-Shabaab, oo ah mid uu Mareykanku argagixiso u aqoonsan yahay.
Ninka dambiga qirtay waxaa la yiraahdaa Kamal Xasan. Da’adiisuna waa 24-jir. Wuxuu qirtay inuu been u sheegay saraakiisha Laanta Dhexe ee dambi barista ee FBI-da, kuwaas oo kal hore weydiiyey xiriirka uu la leeyahay ururka Al-Shabaab, kaddib markii uu Kamal kasoo laabtay Somalia, horraantii sanadkan.
Kamal Xasan wuxuu noqonayaa ninkii saddexaad ee Somali-Mareykan ah, ee qirta inuu taageero maaddi ah siiyey ururka Al-Shabaab. Hore waxaa dambi kaas oo kale ah u qirtay laba dhallinyaro Somali-Mareykan ah, oo la kala yiraahdo Cabdifatax Ciise iyo Saalax Axmed.
Qirashada Kamal waxay ka dhalatay baaritaan baaxad weyn, oo aydowladda Mareykanku ku baareyso labaatameeyo dhallinyaro Somali-Mareykan ah, oo labadii sano ee lasoo dhaafay ka dhoofay Somalia, lana rumeysan yahay inay u jihad doonteen Somalia.
Kamal wuxuu maxkamadda ka hor qirtay in intii uu joogay Somalia, inuu tababar millatari la qaatay kooxda Al-Shabaab, xero ay ku leeyihiin koonfurta Somalia. Wuxuu kaloo qirtay inuu u dagaallamay Al-Shabaab. Intaas waxaa dheer inuu Kamal qirtay inuu FBI-da ka qariyey dad ay xiriir leeyihiin oo ku sugan Mareykanka iyo Somalia.
Kamal Xasan ayaa la rumeysan yahay inuu kusoo laabtay dalkan Marykanka dhammaadkii sanadkii hore, kaddib markii uu u bogi waayey dhaqdhaqaaqyada ururka Al-Shabaab.
Ka sokow saddexda nin ee qiratay xubinnimada ururka Al-Shabaab, waxaa Somalia ku geeriyooday afar nin oo Somali-Mareykan ah. Mid kamid ah, oo la yiraahdo Shirwac Axmed, wuxuu October-tii hore isku qarxiyey xarunta Laanta Sirdoonka Puntland, isagoo noqday qofkii ugu horreeyey ee heysta dhalashada Mareykanka, ee geysta fal is-qarxin ah.
Saddexda kale ee Somalia ku dhimatay waxaa la kala oran jiray Burhan Xasan, Jamal Bana iyo Zakariye Macruuf. Laamaha ammaanka iyo sirdoonka Mareykanka ayaa rumeysan inay jiraan xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee Mareykanka, oo ka qeyb qaatay in wiilashaas Somalia loogu diro dagaal.