Shabaab oo Dib u Qabsatay Beled Xaawa

Beled Xaawa, waxaa hore u haystay Shabaab. Isniintii ayaa waxaa ka qabsaday Ahlu Sunna. Shalay galab oo Arbaca ah ayay Shabaab dib u qabsatay. Laba maalmood ee keliya ayay Ahlu Sunna ka talineysay. Hadaba Labadan koxood maxay kala yihiin?

Shabaab

Shabaab waa dhaqdhaqaaq Islaami ah, oo xulufo la ah Xisbul Islaam. Labadooda waxay ka taliyaan inta badan gobollada Koofureed iyo Bartamaha Soomaaliya. Waxaa kale oo ay joogaan caasimadda Soomaaliya, Muqdisho, inteeda badan. Mareykanka ayaa Shabaab ku eedeeyay in uu xiriir la leeyahay urur weynaha al Qaacida, oo mas'uul ka ah weerarro argagixiso oo lagu meelo badan lagu qaaday, uguna weynaa kii lagu qaaday Mareykanka 2001.

Al-Shabaab iyada dunidu waxay ugu qeybsan tahay muslim iyo gaalo. Sidaa darteed dadka muslimka ee aan Soomaaliya u dhalan iyagu ajnebi uma yaqaannaan. Si kastaba ha ahaatee, waxay Shabaab qiran tahay in dad muslim ah oo aan Soomaali ahayni ay iyaga la joogaan. Waxay sheegataa in ay dooneyso in Soomaaliya lagu xukumo Shareecada.

Ahlu Sunna

Dhaqdhaqaaqani wuxuu salka ku haya dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee Suufiga loo yaqaan. Si kale haddii loo yiraahdo waxay ka soo jeedaan culimada xerta ee degaannada Soomaalida oo dhan u qaabbilsanaa diinta Islaamka, ka hor intii aan dhaqdhaqaaqyada Islaamka Siyaasiga ahi Soomaaliya uga imaan dhincyada Masar iyo Sucuudiga.

Dhaqdhaaqyada billaabay in ay Suufiga ka horyimaadaan dadkana ka kaxeystaan, gaar ahaan dhallinyarada, waxaa ka mid Akhwaanu Muslimiinta oo Soomaaliya magacyo kala duwan ka isticmaasha iyo Salafiyada oo iyaduna sidoo kale magacyo dhowr ah leh. Suufiga Soomaaliya waxaa uu maanta u qeybsamay kooxda la dagaallameysa Shabaab iyo kuwo mabda'a Suufiyada ee dagaal diidka ah ku dheggan.

Dhaqdhaqaaqa Ahlu Sunna ee hadda gacanta ku haya degmooyin ka mid ah Gal Guduud iyo Gedo, waxay dadka qaar ku tilmaamaan in ay waddan deris la ah Soomaaliya ay ka helaan rasaas iyo tababbar militeri.

Waxaa kale oo lagu tilmaamaa in ay yihiin huwan ay ka dambeeyaan siyaasiyiin mucaard ku ah dowladda uu madaxda u yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Af hayeenka Ahlu Sunna, Abu Yusuf al Qaaddi, wuxuu BBC u sheegay in calanka Soomaaliya ay ku qoreen Tawxiidka. Af hayeenku waxaa uu afkiisa ka dhowray wax la yiraahdo dowlad, isaga oo ku tilmaamay in degaannada ay gacanta ku hayaan ay ugu yeeri doonaan culimmada diinta, aqoonyahannada iyo bulshada qeybaheeda kale si ay maamul u dhisaan.

Sawirka: 

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.