Luuq Waxa la Wareegay Koox Taageerta TFG

Wararka ka imanaya gobolka Gedo ee koofur Galbeed Soomaaliya, ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan DKMG ee Soomaaliya ay saaka la wareegeen gacan ku haynta degmada Luuq ee gobolka Gedo oo ay horay u joogeen kooxaha islaamiyiinta mucaaradka.

Ma jirto wax iska horimaad ah, oo dhacay xilligii ay ciidamadu soo galeen degmada Luuq, waxana war qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska warbaahinta madaxtooyada Soomaaliya lagu sheegay in ciidamada la wareegey Luuq ay taageersan yihiin dowladda, uuna hogaaminayay sarkaal lagu magacaabo Maxamud Cismaan Weli, ciidamada uu wataana ay yihiin kuwo deegaanka oo tababar la soo siiyay.

Waa magaaladii 2-aad ee 48 saacadood gudahood looga qabsado xoogagga Mujahidin Alshabab iyo Xisbul Islaam, horey ayaa degmada Balad Xaawo waxaa maamulkeedii la wareegay xoogag ka tirsan Ahlu-sunnah Wal-jamaca, waxaana Alshabab afhayeen u hadlay uu sheegay in magaaladaasi ay soo galeen kooxo u adeega waxa ay ugu yeereen "cadowga Etoobiya.

Dhaqdhaqaayada ciidan kuma eka gobolka Gedo oo kaliya ee waxa iyaguna diyaar garow dagaal laga dareemayaa degmooyin ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Bakool oo ay maamulaan ururada Islaamiyiinta ah ee ka hor jeeda dowladda KMG ah.

Sawirka: Qaar ka mid ah kooxaha ka dagaalama Soomaaliya

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.