Xizbul Islaam iyo Alshabaab oo kala irdhoobay.

Ismaandhaafkii maamulka magaalada Kismaayo wuxuu keenay khilaaf guud oo soo kala dhaxgalay kooxihii u heshiiyey la dagaalanka dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Afrikanka ee taageera waxayna ku kala irdhoobeen dhammaan deegaanadii ay isla joogeen.

Gobolada Jubbooyinka Xabad ayey isku rideen oo wey is laayeen wadaadadii horey dadweynaha Soomaaliyeed iyo caalamkaba u sheegay inay u dagaalamayaan koryeelidda diinta Alle.

Koryeelid diin iska daaye culimadii xaafidu quraanka ahaa ayaa dhiigooda la xalaaleystay waxaana Kismaayo ka dhacay dagaal aan waxba layskula hadhin oo ay ku dagaalameen labadaas Xarako.

Dadka deggan Jubbooyinka intooda badan ayaa eedda dagaalka Kismaayo ku eedeeyey Xarakada Al-shabaab iyagoo u daliishaday iclaamintii dagaalka, weerarkii ugu horreeyey oo ay qaadeen iyo iyagoo duleedka magaalada Kismaayo uga daba tagay dhinacii kale oo ay magaalada ka saareen.

Intaas waxaa dheer iyadoo Alshabaab lagu eedeeyo inay ridiyeen culimo ay isku jaal ahaayeen muddo dheer kadib markii ay isku qabteen maamulka Kismaayo oo ay dhaliileen soona jeediyeen in la badalo maamulkaas oo waqti go`an ay hore ugu ballansanaayeen.

Dad kale ayaa arrinta dagaalka culimada labada dhinac u arka ammar kor kaga yimid oo aysan iyagu go`aanka laheynba. Sidoo kalena aysan ka madhneyn faragalin shisheeye oo istiraatiijiyad ka leh xeebta iyo howdka goboladan.

Dagaalka Kismaayo waxaa ku dhintay dad shacaba oo aan waxba galabsan qiyaas ku dhow 15 ruux waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 20  kale, waxaa ku barakacay kumanaan qoys, dagaalka labadan kooxood wuxuu cabsi galiyey deegaanada ay ku diriraan kooxahan iyo qodobo kale.

Dagaalka Kismaayo oo weli laysku horfadhiyo duleedka magaalada Kismaayo qiyaastii Waqooyi galbeed 50-Km magaalada Kismaayo ayey wararku sheegayaan in ay labada kooxood ee Raas_Kaambooni iyo Shabaab ee dhufeyska iskugu jira halka lagu magacaabo Birta-dheer ay keeblayuurur yihiin.

Dhanka kale, jidka buulo xaaji ee Koonfur galbed Kismaayo ayaa ah furin kale oo ay joogaan ciidamada labada dhinac Caanoole oo ay weheliyaan Raas_Kaambooniyuuntu iyo Shabaab.

Dagaalka ka jira gobolada Jubbooyinka dalka Soomaaliya ayaa keeni kara inuu dagaalkani isku rogo mid deegaan haddii dagaalkan socda laga itaal roonaado kooxaha Raas_Kaambooni iyo Caanole.

Dagaalka ka socda gobolada jubbooyinka ayaa ah dagaal ujeedadiisa rasmiga ah ay tahay nafaqo iyo maamul laysku heystay,  kadib markii ay kooxda Alshabaab damacday inay nuugto kaligeed manfaca kasoo gala Dekedda iyo Airport-ka magaalada xeebta ku taal ee Kismaayo iyadoo marti laga dhigay Kooxdii wadaada ahaa oo ay xaruntoodu aheyd Raas_Kaambooni oo ka tirsan degmada bbadhaadhe ee gobolka Jubbada hoose.

Dagaalkan ayaa la aaminsan yahay in uu saameyn muuqata ku yeeshay magaalada Muqdisho oo ay labadan koxood ka wada howlgalaan, kooxahan ayaa ku kala irdhoobey dhifeysyadii ay ku jireen iskuna baneeyey, waxa jira tuhun weyn oo ay Xizbul Islaam qabaan in dilka qorsheysan ee loo geysto saraakiishooda ay ka dambeeyaan Alshabaab.

Afhayeenka kooxda Al-Shabaab oo wareysi siiyey warbaahinta ayaa qaar ka mid ah culimadii dalka ku sifeeyey inay u adeegayaan dano shisheeye oo cadow ku ah koryelidda diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka gaar ahaan deegaanka jubooyinka dalka Soomaaliya.

Culimada Soomaalida qaarkood waxay qabaan in kooxda Alshabaab ay ku sifowday inay ridiyan wadaadkii ku khilaafa rabitaankooda iyadoo dadka u sheega inuu codowga alle la jiro oo uu koryeelidda diinta alle ka horyimid hase yeshee deegaanka Jubbooyinku tani mari weyday oo dadki deegaanku waxay si buuxda u taageereen kooxaha Raas_kaambooni iyo Caanoole waxayna si cad u diideen dagaalka Al-shabaab ku dooneyso inay ku hanato Kismaayo.

Waxaa la isweydiin karaa haddii ay kooxda Alshabaab dagaal ku qaaday kooxda ay jaalka haayeen ee Xizbul islaam shakina soo kala dhaxgalay sow ma soo shaac bixin hadalkii hore loo yiri ee ahaa "Shabaab, shariif ama Shacab".

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.