Ciidamo ka tirsan Xibul-Islam oo Dowlada isku dhiibay

Saraakiil ka tirsan dowlada ayaa sheegay in laba baabuur oo Tikniko ah oo ka soo baxsaday Xisbul-Islaam ay isku dhiibeen Dowlada KMG
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in laba baabuur oo tikniko ah oo ay saarnaayeen tobonnaan ciidamo ah oo ka tirsan Xisbul-Islaam ay u galeen goobaha ay ka taliso dowlada KMG
Ciidamadan ayaan la ogeyn sababta ku kaliftay inay u gudbaan dhinaca dowlada, balse Afhayeen u hadlay ururka Xisbul-Islam ayaa VOA u sheegay inaanay waxba ka jirin warkaasi.
Ciidamada u kala dagaalama dhinacyada ku hardamaya Somalia ayaa badanaa u kala goosta ururada ay iska soo horjeedaan.