Qeybo ka tirsan degmooyinka Muqdisho ayaa waxaa maanta dagaallo ku dhexmareen ciidamada kala duwan ee halkaasi ku sugan. Ugu yaraan 2 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay, laba kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo maanta agagaarka kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad ku dhexmaray ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi iyo xooggaga Al-Shabaab ee ka soo horjeeda joogitaanka ciidamadaasi.
Dagaalka ayaa bilwoday kadib markii ciidamo ka tirsan ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen booyad ay iska lahaayeen ciidamada AMISOM oo maraysay goob ku dhow dhismaha kulliyadii Jaalle Siyaad, oo fadhiisin u ah ciidamada Burundi.
Xooggaga Al-shabaab ayay u suurogashay inay baasuuke ku qarxiyaan booyadaasi, taasoo keentay inuu halkaasi ka curto dagaal cullus oo soconayay ku dhawaad 45 daqiiiqo, dagaallkaasi ayaa labada dhinac isku adeeeegsadeen hubka culus iyo kuwo fudud.
Laba qof ee rayidka ah ee geeriyooday ayaa mid ka mid ah waxaa uu ahaa nin watay gaari dameer oo wadadaasi marayay oo rasaastu haleeshay halkaasi sidoo kale uu ku qurbaxay dameerkii uu watay. Labada qof ee iyaguna dhaawacmay ayaa ahaa laba haween ah oo deegaankaasi degan oo rasaas ay guryahooda ugu tagtay.
Sidoo kale Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay degmada C/casiis ee Muqdisho. Dagaalka ayaa u dhaxeeyey xooggaga Xisbul-Islam iyo kuwo dowlada KMG oo isaga soo horjeeeda degmadaasi. Dagaalkan oo muddo kooban socday ayaan ilaa haatan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Dhinaca kalena Dowlada KMG ayaa maanta xarunta Madaxtoyada Muqdisho ku soo bandhigtay ilaa 18 maleeshiyo oo maalintii shalay ka soo goostay ururka Xisbul-Islam.
Maleeshiyada ku soo biirtay dowlada ayaa waxaa hogaaminayay Taliyihii ururka Xisbul-Islam ee deegaanka Ceelasha Biyaha oo lagu magacaabo Shuuke C/raxmaan Odawaa.