Djibouti waxaa loo doortay in ay xubin ka noqoto UNESCO afarta sano ee soo socota.
Arrintaasi waxay ku soo beegantay iyada oo Madaxweynaha Djibouti, ISmaaciil Cumar Geelle,
lagu marti qaaday in uu maanta hadal ka jeediyo Golaha Guud ee ururka QM ee Dhaqanka iyo Aqoonta, UNESCO.In ka badan 150 dal ayaa u codeeyay Djibouti.Madaxweynaha Djibouti ayaa saay wararku nagu soo gadhayaan ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in dalkiisa markii ugu horreysay loo doorto xubin ka tirsan Guddiga Fulinta ee UNESCO.
Djibouti waxay xarun u tahay ayuu yiri Golaha Aqoonyahannada ee Geeska Africa.Waxaa kale oo jira in Djibouti ay sannad walba qabato tartan xagga fanka ah oo la isaga yimaado dalalka Geeska.Djibouti waxaa ay si joogta ah u dhiirri gelisaa horumarinta aqoonta siiba xagga Afafka Soomaaliga iyo Cafarta.