Duqeyn ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ugu yaraan 15 ruux oo rayid ah ay ku dhinteen,
in ka badan 50 kalana waa ay ku dhaawacmeen.
Duqeynta ay dadka ku dhinteen ayaa bilaabatay xilli uu Muqdisho ka ambabaxayay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed kaas oo u duulay magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Waxaa hoobiyayaal ku weeraray kooxo ka tirsan mucaaradka dowladda taas oo iyana ay jawaab culus ka baxiyeen ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda.
Duqeynta ayaa badankeed saameysay Suuqa Bakaaraha oo xirnaa ilaa iyo barqadii maanta.
Dadka ka dukaameysta suuqa iyo ganacsatadaba ay awoodi kari waayeen in ay suuqa galaan madaafiicda socotay awgeed.
Dadka ku dhaawacmay duqeynta maanta Muqdisho ka dhacday ayaa waxa la dhigay isbitaalada Dayniile iyo Madiina waxaana qaar ka mid ah uu dhaawacoodu ahaa kuwo liitay sida ay sheegeen saraakiisha gaadiidka gurmadka deg degga ee dhaawacyada qaada.
Xigasho BBC