Qarax Kadhacay Hotel Shaamow Ee Magaalada Muqdisho In Lagu Dilay Wasiiro,Suxufiyiin,Iyo Arday

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shalay ugu yaraan saddex wasiir oo ka tirsan DKMG iyo suxufiyiin dhowr ah iyo arday ka qalin jabisay jaamacadda Banadir ay ku dhinteen qarax ka dhacay Hotel Shaamow.
Wasiirka tacliinta sare Ibraahin Xasan Caddow, wasiirka caafimaadka Qamar Aadan Cali, wasiirka waxbarashada Axmed C/laahi Waayeel, ayaa ku dhintay qaraxa oo lala beegsaday munaasabad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay arday dhamaystay waxabarashadii jaamacadeed.
Wariyayaashi ka soo qaybgalay munaasabadaasi ayaa waxaa kaga dhintay wariye Max’ed Amiin Aadan Cabdule oo ka tirsnaa Shabakadda Warbaahinta Shabelle, sawir qaadihii tilifishanka Al Carabiya Xasan Subeer Xaaji.
Tirada dhimashada ayaa warar hordhac ah ay sheegayaan in lagu qiyaasayo ku dhawaad 19 qof.
Qaraxa ayaa la sheegay in lala beegsaday goobta loogu talagalay marti sharfta ka soo qaybgashay xafladda qalinjabinta.
Ma jirto ilaa imika cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.
Xigasho. VOA.