Britain: Sharci Cusub oo Khuseeya Xuquuqda Aadamaha

Wasiirka Cadaaladda ee Britain ayaa soo jeediyey hindise uu ku doonayo inuu dacwad lagu soo oogo dadka ku nool dalkaas oo looga shakisan yahay inay geysteen gabood-fallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Dagaal-Oogayaal Soomaali ah ayay arrintan saamaynaysaa.
Xarun ka hortagta xasuuqa ayaa sheegtay in ugu yaraan 18 qof oo dambiyo dagaal geystay ay ku nool yihiin Britain. Kuwaasi oo ay Dhowr Dagaal-Ooge oo Soomaali ah ay ku jiraan
Dr. Cumar Cabdulle Calasow, oo ah khabiir ku takhasusay sharciga xuquuqda aadanaha ayaa VOAda u sheegay in liska ay ku jiraan dagaal ogayaal Soomaali ah waxaana uu tilmaamay in sharcigan uu khuseeyo dambiyada la galay wixii ka dambeeyay sanadkii 199kii, khabiirka ayaa tilmaamay in sharcigan uu yahay mid khuseeya dambiyada ka dhacay meel kasta oo caalamka ka mid ah.
CakaaraNews