Al Shabaab oo Dhulka dhigtay Qabuuro ku yiilay Tuulada 20 Jirow duleedka Baydhabo

Baydhabo (CakaaraNews) Maamulka Al Shabaab ee Gobalada Bay iyo Bakool ee dalka Soomaaliya ayaa maanta bilaabay Hawlo ay ku Burburinayaan Qabuuro in mudda ah ku aasnaa deegaano hoos yimaada degmada Baydhabo Gobalka Baay.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa xaqiijinaya in Howlgallo ay ka qayb galeen boqolaal Askari ay maanta ka dheceen Tuulada 20 Jiroow oo la sheegay in ay ku aasnaayeen dad ay Ixtiraamaan dadka ku dhaqan gobalada Bay iyo Bakool.

Markii uu Howlgalku soo dhamaaday ayuu saxaafadda magaalada Baydhabo kula hadlay Sheekh Xasan Saydeelow Gudoomiyaha tuulada 20-Jirow ayaa sheegay in ay dhulka dhigeen 7 qabri oo ay ku aasnaayeen dad wadaado ah ka hor muddo 50 sana ah.

Sheekh Saydeelow wuxuu sheegay in Qabuuraha ay cagta mariyeen ay ahaayeen kuwa y dad waxma garata ah ay caabudayeen sida uu hadalka u dhigay “Ciidanka Wilaayada ayaa 20 Jirow ku burburiyay 7 qabri oo ay dad waxma garata ah sanam ka dhigteen sidaas ayaanan ku burburinay qabuuraha” ayuu yiri Sheekh Xasan Seydoolow oo Shabaab ka tirsan.

Xoogaga Islaamiyiinta ayaa sanadkii la soo dhaafay Koonfurta Soomaaliya ka Burburiyay Qabuuro ay ku aasnaayeen wadaado Muddo Nus qarni ah ku aasnaa dhulka waxaana arrinkaasi ka Biya diiday Culimada Dariiqada suufida oo qaarkood ka dagaalamay.

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.