LAYAABKA DUNIDA JAMAICA(CakaaraNews):- Ninka caanka ka ah waqooyiga America ee dadka ka qoslisiya ee lagu Magacaabo Elephant Man ayaa xabsi loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay in uu gabar xoogay.
Haweeney 31 jir ah ayaa usoo dacwootay booliska taas oo sheegtay in uu xoogay ninka majaajilistaha ah ee Elephant Man xili dambe oo habeenkii sabtida aheyd,Booliska ayaa durba ku dhaqaaqay talaabo lagu soo xirayo ninkaan oo kasoo jeeda wadanka Jamaica.
Ka dib ayaa ay Boolisku tageen Gurigiisa oo ku yaala Xaafada St. Andrew oo ka tirsan Magaalada Parish Gobbalka Grenada ee Wadanka Jamaica.
Ninkan oo sidoo kale loo yaqaano "Willie Bounce" ayaa la filaya in uu asbuucan kasoo Dhex muuqan doono maxkamada,
Elephant Man oo ah ninka dadka ushac tireeya ama ka qosliya ayaa sidoo kale ah nin looga dambeeyo farashaxanka gacanta,islamarkaana ah Film Sameeye.
Dhanka kale Qareenka ninkan difaacaya oo lagu Magacaabo Mr Linda Wright ayaa usheegay AP in ay tahay eedeyntan lagu soo oogay Mr Elephant Man.mid aan waxba ka jirin oo la doonayo uun sidii hoos loogu dhigi lahaa Sumcadiisa.
Cakaara Sport(Premier League).Ninka reer Spain ee Khadka Dhexe uga ciyaara kooxda Chelsea Juan Mata ayaa Mucjiso soo baxaysa ku micneeyay Ninka ay isku wadanka yihiin ee Goolhayaha u ah Kooxda Manchester United David Gea.
Isagoo lahadlayay bogga kooxdiisa waxaa uu sheegay in laadkii xorta ahaa ee uu kabad badiyay David De Gea uu ahaa mid aysana cidnaa amnini Karin.
"David De Gea waxaa uu iga bad baadiyay kubada dahab aheyd xaqiiqdii waxaan uqaatay gool laakin waxaa hor istaagay David De Gea waxey aheyd mid aanan ku farxin"
Juan Mata ayaa sheegay in ay kooxdiisu iska qasaarisay fursad weyn oo ay xalay kaga adkaan kartay Man United.
Dhanka kale tababare Ferguson ayaa amaanay xidiga Goolhayaha u Ah Kooxdiisa Man Utd ee mr ee David De Gea kaas oo usheegay in xalay uu kubado halistooda leh uu bad baadiyay .,
Gool hayahan oo wayadan ay dhibaatooyin hareeyeen ayaa kulankii xalay ee Chelsea iyo Man United bad badiyay 3 kubadood oo goolal loo filan karay.
Daafaca dhowan-galka ah ee kooxda Chelsea Gary Cahill ayaa ka walaacsan gool kulaadkii labaad ee laga dhaliyay kooxda Chelsea ee sababteeda uu lahaa Ivanovic.
Xidigii hore ee kooxda Bolton ayaa raali galin udiray dhaman dadka uu dhiigoodu ku shaqeeyo kooxda Chelsea.
"Waan ogahay in qaladkii dhacay uusan Ivanovic wax ku leeyahay waxaana eeda leh daafacyadeena oo dhan maxa yeelay waxaan ceshan weynay 3 gool oo aan la hormrnay"
"Waan ka walaac sanahay in aan kulankeygii ugu horeeyey difaacyada Chelsea ay daciifnimo ku timaado"
"Wuxuu isku dayay Ivanovic in uu kubada si tartiib ah uga dheereyo Welback laakin waa uu is tuuray horteeyda waxaana uu garsooruhu udhigay rigoore"
"Aadbaan ula yaabay go,aanka uu qaatay Howard Webb waa gasoore Fantastic ah ayuu yiri Cahill.
"Waxaan leeyahay dhamaantiin iga raali ahaada ayuu usheegay majalada Metro ee kasoo baxda UK.
Weeraryahanka kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa sheegay in kooxdiisu ay soo martay saacado taariiqda in ay galaan ku sigtay markii ay Chelsea 3 gool kala hor martay.
Isagoo markii ay ciyaartu dhamatay lahadlayay Tv-ga Sky Sports waxaa uu sheegay Rooney in ay muujiyeen xalay in ay yihiin koox udagalami karta horyaalka .Dhanka Kale Weyne Rooney ayaa Yidhi "Waxaan ka hortagnay Duufaan ceeb watay,inkastoo 2 dhibcood naga qasaareen.
Weyn Rooney waxaan gaarnay heer xun oo nagula yeeshay 3 gool waxaan ku signay in ay dhacdo wax xun laakin waxaan ka hortagnay duufaan ceeb wadatay","Waxaa naga qaasaartay 2 dhibic midaas ma filaneyn laakin waxaa hubanti ah in ciyaartooyda Man City ay ku adkaan laheyd iney soo gudaan 3 gool oo lagu yeesho iyagoo guri islaameed jooga"
"Waxaanu u ekayn koox isku xidhan ilaa dhamaadkii ciyaarta laakiin ma jeclayn in ay dhibic naga khasaarto isagoo la hadlayay Sky Sport"
Qabridahar(CakaaraNews).Sida aynu wada ogsoonahay Waxaa Dhawaan la Ansaxiyay 3 Ismaamul Magaalo oo Qayb ka ah Horumarka Xawliga ah ee Dalku Hiigsanayo,taasoo loogu Talo Galay Miisaaniyad Xad dhaaf ah.
Magaalada Qabridahar ayaa ka Mid ah 3da Ismaamul Magaalo,islamarkaana Gudagashay sidii ay u Hirgalin Lahayd Balaadhinta Bilicda Magaalada Qabridahar,inkastoo ay Cusbaayeen Qaab-dhismeedkeedu Hadana Waxay Shaqada ku sii bilaabeen Meelo ay sii kiraysteen iyo iyagoo Dulsaar ku noqday Xafiisyadii Maamulka ee sii jiray.
Hadaba Maamulka Magaalada Qabri Dahar Ayaa Door Biday in uu Taabo Galiyo Ujeedooyinkii loo aasaasay oo ahayd Balaadhinta Dhismayaasha Horumarineed ee Bilicda Magaalada Qabri Dahar,islamarkaana Bilaabeen Mashaariicda Dhismayaasha Xafiisyada uu yeelan doono qaabdhismeedka dawladeed ee maamulka magaalada qabridahar,walow bislaansho la'aanta shacabkeenu ay mararka qaarkood caqabadba ku noqonayso taabo galinta horumarka anfici lahaa shacabka,sida ugaas maxamed duulane oo dhul ay dawladu lahayd oo gacanta uu ku hayay laga furfuri kari waayay.
Sidoo kale maamulka magaalada qabridahar ayaa si waafaqsan xeerkii iyo hab-dhasqameedkii ula xidhiidhay ugaas maxamed duulane waydiiyayna in uu maamu8lka magaalada qabridahar si xushmad leh ugu soo wareejiyo dhulka iyo hantida dawladeed ee uu gacanta ku hayay,walow uu ugaas duulane ka dhego adaygay in uu si xushmad leh u wareejiyo dhulka si looga hirgaliyo mashaariic horumarineed.
Nidaamka lahaansha dhulka iyo Xeerarka Dawladeedba ayaanba ka dhaadhacsanayn Shacabkeena,waana Mida sababtay in ay Xukuumadu isugu yeedho Shirka Odoyaal dhaqameedka Deegaanka ee ka socda Wakhti Xaadirkan Hoolka Shirarka ee (SMCX),taasoo laga soo saari doono xeer nidaamyo ku wajahan,Nidaamka Lahaansha Dhulka
Dhanka kale ka Dib Markii uu Dheg Jalaq u siin waayay Ugaas Maxamed Duulane Codsiyadii ku salaysnaa Maamuuskii Dhaqameed ee ay Maamulka Magaalada Qabridahar kaga codsanayeen in uu Gacanta Dawlada ku soo celiyo Dhulkii iyo Hantidii Dawladeed ee uu Gacanta ku hayay,ayaa ay Maamulka Magaalada Qabri Dahar u Qoreen Warqad Dacwo ah oo Lid ku Ah Ugaas Maxamed Duulane Nuxurkeeduna Ahaa ku tagri Falid iyo Dhac hanti Dawladeed,islamarkaana loo taxaabay Xabsiga Magaalada Qabri Dahar.
Horumarka,Balaadhinta iyo Qurxinta Bilicda Magaalada Qabri dahar ayaa ay xukuumadu u Qoondaysay Miisaaniyad aad u fara badan,iyadoona Master-plankii Magaalada Qabri dahar 100% la Dhamaystiray.
Isku soo wada Duuboo Maadaama Gal Danbiyeedka lagu soo oogay Maxamed Duulane uu Madani yahay ee uunan ahayn Ciqaab(Criminal) ayaa laga yaabaa in ay Maxkamadu ka sii dayso Xabsiga ugaas Maxame Duulane,siisana Wakhti uu ku soo celiyo Hantida Dawlada Gacanta Dawladana ku Celiyo dhulkuu Gacanta ku hayo,si looga Dhiso Xafiisyada Maamulka Magaalada Qabri Dahar oo Bilic u yeeli doona Magaalada Qabridahar
Addis-ababa(CakaraNews).Derba MIDROC Cement Plc, Ethiopia’s biggest cement factory was inaugurated on Sunday in the presence of Prime Miniter Meles Zenawi and other invited guests in a groundbreaking ceremony held on the premises of the factory.
MIDROC Ethiopia Group, a company owned by Ethiopian-born Saudi billionaire, Sheik Mohammed Hussein al-Amoudi, built the 351 million dollar plant. The factory located about 70km northwest of the capital, Addis Ababa, would produce 8,000 metric tons of cement daily.
Prime Minister Meles Zenawi on the occasion said the plant would contribute a lot to the ongoing development of Ethiopia’s industry sector. It would also help meet the increasing demand for cement in the country to construction sector, he said. The plant will raise the country’s annual cement production capacity to over 9 million tons.
Sheik Mohammed Hussein al-Amoudi, who is currently one of the biggest investors in the Horn of Africa, for his part said MIDROC would continue to contribute share to the national endeavor towards development.
In this regard MIDROC has set plan to build gypsum and marble factories in the coming ten years at a cost of 100 billion Birr, he said. Ethiopia plans to boost output by 10-fold by mid-2015 to 27 million tons, according to the government.
DMC would add 2.5 million tons of cement per year to the existing cement production capacity, while expansions projects to Mosobo Building Materials Production Plc and state-owned Mugher Cement Enterprise would put in another 1 million. DMC, built by China National Building Materials Co., may earn more than 2 billion Birr (115.9 million dollars) annually, project manager, Tadesse Kebede said. “If everything goes well, it will be a cash cow,” he said.
MIDROC Ethiopia Group invested 100 million dollars in the operation, with European Investment Bank, African Development Bank, International Finance Corp. and Development Bank of Ethiopia providing the rest of the funds. The project was delayed for “almost one year” because obtaining the loans took longer than expected, Tadesse said. “To work with multilateral banks is very difficult,” he said.
Jigjiga(CakaaraNews)Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa isagoo ka tiiraanyaysan geerida Naxdinta leh, Tacsi u Diray Dhamaanba Eheladii iyo Qoysaskii ay ka tageen Marxuumiinta kala ah Marxuum 1- Mowliid Ali Digaale,2-Cabdinuur Xuurshe iyo 3- Sh. Maxamuud (Cumar feen)oo Magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya Si Gaadmo ah loogu Dilay Xili Fiid ah Magaalada Gaarisa Dhexdeeda.
Falkan Waxashnimo ayaa ay ka Danbeeyeen Qawlaysatada UBO ee Caadaysatay Daadinta iyo Gumaadka Shacabka iyo Waxgaradka aan Waxba Galabsanin,taasooy Shacabka DDSI u Gaysan jireen Falalka Dilka iyo Gumaadka noocan ah,Inkastoo ay Ciidamada Geesiyiinta ah ee Liyuu-police ay Shafka u Daruureen Maanlaawayaashii UBO oo ay Daqiiqimaha Ka Dhigeen,taasooy UBO Noqotay Wax Dhinta,Wax isu Soo Dhiiba DDSI iyo Tiro Yar oo Faro ku Tiris ah oo u baxsatay Jubaland,Maleegayana sidii ay u Dhibaatayn Lahaayeen Shacabka Absame ee Nadboon kuna Kala Dhaqan Kenya(Garisa) iyo Jubaland,Taasoo lagu Xaqiiqsan Karo Calaamadii 1aad ee Waxashnimo oo ay UBO ku Dileen 2 Oday-dhaqameed oo Ixtiraam iyo Sharaf ku Dhex Lahaa Magaalada Gaariso,halka 1 oday oo kalana oo ka mid ahaa 2bo dhaawacantayna uu Dhaawac culus oo soo gaaray awgeed u dhintay.
Hadaba Madaxweynaha oo la hadlayay Saxaafada DDSI ayaa Qoysaskii iyo eheladii 2da Marxuum Tacsi u Diray,Yidhina Samir iyo iimaan Ilaahay ha inaga Siiyo Dhamaanteen,aakhirana Ilaahay Janadii Fardawsa ha ugu Bishaareeyo,Halka iyana 2da Qof ee Dhaawaca ahna uu Madaxweynuhu ilaahay uga baryay in uu Caafiyo.Madaxweynaha ayaad Wajigiisa ka Dareemaysay sida uu uga xun yahay Falka foosha Xun ee lagu dilay Odoyaasha.
Dhanka kjale warar xog ogaal ah oo aanu ka helnay dhanka gaarisa ayaa tibaaxaya in ay UBO falkan ay gaysteen.
Birqod (cakaaranews).Kulamo waayadanba ay Yeelanayeen Hogaamiye Dhaqameedyada Beelaha Absame iyo Adeerkood ayaa ku soo Gabagaboobay go’aan hawraarsan lagu soo ebyay oo ka turjumayay,in ay lagama maarmaan Dhaqameed ay u tahay Beesha Absame iyo adeerkood in ay Dib u soo Ceshadaan Hogaankii Dhaqameed iyo xeerarkii ay dhamaanba Beesha Absame iyo Adeerkood ku Xukumi jiray Garaad Yacquub oo La Hareer maray Waayadan Danbe,taasoo astaan Dhaqameed u ahaan jirtay Midnimada iyo Adeecida dhamaanba Beesha Absame iyo Adeerkood meel kasta oo y ku noolaayeen lahaayeena Hogaan Dhaqameed kaliya oo ay asal u lahaan Jireen.
Hadaba Mar hadii ay Hogaamiye dhaqameedka beesha absame iyo adeerkood ay hawraarsan iyo hala yeelo ku wada go’aansadeen in dib loo soo celiyo hogaan dhaqameedkii kaliya ee ay lahaan jireen dhamaanba beesha absame laga soo bilaabo garaad yacquub oo ahaa curadka absame,iyadoo qabanqaabo la waday mudo ku dhaw 1 sano,kuna baxday adduun lacageed oo aad u tiro badan, ay bartilmaameed uga dhigeen caleemo saarka garaadka absame iyo adeerkood in ay ka dhacdo magaalada birqod oo astaan iyo taariikh diimeedba ku leh degaanka.
Sidoo kale wafti aad u balaadhan oo galbinayay garaadka loo caleemo saarayo beesha absame iyo Adeerkood Garaad Maxamuud Garaad Dool Garaad Xirsi ayaa ka Ambabaxay Magaalada Jigjiga,Taasoo Dhamaanba Deegaanada u dhaxeeya Jigjiga ilaa Birqod,lagala Hor imanayayay Soo dhawayn aad u saraysa Caleemo Qoyan,Sawirka Garaadka,Calanka DDSI,Calanka Federaalka iyo Ereyo Muujinayay Soo Dhawaynta Garaadka Lagala Hor Imanayay Masaafo ka Baxsan hadba Magaalada uu ku sii wajahnaa.
Ka dib ayaa ay Garaadka Absame iyo Adeerkood Garaad maxamuud garaad dool garaad xirsi iyo wafti galbinayay oo isugu jiray kumaakum dadweyne oo isugu jiray odoyaal-dhaqameed,culumaa’udiin,dhamaanba qaybaha bulshada iyo Dhamaanba heerarka kala duduwan ee uu ka kooban yahay qaab-dhismeedyada dawlada oo isugu Jiray kuwo ka soo Raacay Garaadka Magaalada Jigjiga iyo Kuwo kaga soo Lug daray Magaalooyinka Qabri-bayax,Araarso,Cobale,Higlaleey,Garawo,Hoobaale,Sasabane iyo Baka.
Waxaa Xusid Mudan in Garaadka iyo Waftigii Galbinayay oo Watay Baabuur Xad Dhaaf ah Markii ay Gaadheen Magaalada Birqod ay la kulmeen Soo dhawayn aan la xadidi karin,taasooyba sii Buux dhaafiyeen Magaalada Birqod Ergooyinkii ka kala yimid Dhamaanba Degmooyinka iyo Gobalada uu ka kooban Yahay Deegaanka Soomaalida Itoobiya si ay uga Qayb galaan Caleemo saarka Garaadka Absame iyo Adeerkood.
Hadaba Saaka Aroornimadii ayaa ay Kumaakum isugu jiray Odoyaal-
dhaqameed,Culumaa’udiin,Haween,dhalinyaro,Masuuliyiin isugu jirtay Heer Deegaan,heer Gobol, Heer Degmo iyo Wakiilkii Madaxweynaha DDSI Mudane C/laahi Yuusuf Weerar oo ah Hogaanka Nabadgalyada iyo Cadaalada DDSI u Dareereen Goob aad loo sii Qurxiyay oo ahayd Duleedka Magaalada Birqod,looguna talo galay in ka Dhacdo Caleemo Saarka lagu Caano Shubayo Garaadka kaliya ee ay yeelan Doonto Beesha Absame iyo Adeerkood meel kasta oo ay dunida kaga nool yihiinba,laga bilaabo manta uu Garaad Maxamuud Garaad Dool Garaad Xirsi garaadka kaliya ee ay yeelan doonto eeh Ame iyo Adeerkoo Dal iyo Dibadba.