Jigjiga
(CakaaraNews) Waxaa saaka saacada Geeska Afrika Bari markii ahayd 5:00 subaxnimo gaadhi noociisu yahay Land Cruiser oo xoog ku jiidhay
kontoroolka laga galo magaalada Jigjiga isla markaana uu askari Boolis
ah uu si khalad ah xabad ugu riday halkaasna ay xabadaasi ku dhacday
gabadh magaceeda la yidhaahdo Muna Cabdi Faarax oo 21 sanno jir ah.
Saaka ayaa wariyaha Shabakada CakaaraNews uu booqday xarunta dhexe ee Komishinka Booliska ayaa komishinka Booliska wax ka waydiiyay sida ay wax u dhaceen.
Waxaa uu Komishinka Boolisku sheegay in gacan ku dhiiglaha oo ahaa Askari Boolis ah oo ka mid ah kuwa ilaaliya kontoroolka oo magaciisa la yidhaahdo Xuseen Xasan Xuseen ayaa si khalad ah oo ula kac ah xabada ugu riday gaadhiga oo dhaafay, halkaasna waxay xabada ku dhacday Marxuumada oo fadhiday halka danbe ee gaadhiga.
Wuxuu komishinku sheegay in baadhitaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in xabada uu askarigu ku riday gaadhiga ay khalad ahayd oo cawaaqibkeeda la marin doono.

Waxaa kale oo Komishinka Booliska uu noo sheegay in marxuumada oo magaceeda la yidhaahdo Muna Cabdi Faarax in sida la sheegay ay ka timid dalka Ingiriiska iyadoo booqanaysay ehelkeeda.
Waxaa danbi baadhe ka mid ah xubnaha gacanta ku hayay kiiskan uu sheegay in gaadhiga ay marxuumadu saarnayd oo ahaa Land Cruiser kuwa habeenkii guura oo laga soo kiraysto Addis Ababa ilaa hargeysa uu dhawr jeer la baxsaday dad bilaa aqoonsi ah oo uu waday.
Dhinaca kale, waaxda
Amniga
Jidadka ee Degaanka Soomaalida ayaa geesteeda ka sheegtay in gaadhiga ay
marxuumada la socotay uu ka shaqayn jiray hawlaha is xambaarka
(Bermuudaynta) dadka oo si sharci darro ah dadka isaga talaabiya xadadka
Itoobiya & Soomaaliland.
Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Daa'uud Maxamed Cali & Hogaanka Nabadgalyada Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhankooda ka sheegay inay aad uga xun yihiin falkaas. Madaxwayne Daa'uud Maxamed Cali ayaa tacsi u diraya dhamaan eheladii & qoyskii marxuumada.
Dhanka kale, wuxuu Mudane Daa'uud sheegay in sharciga la marinayo oo haatana gacanta lagu hayo, isla markaana sida ugu dhakhsaha badan sharciga loo marin doono.
Dhanka kale, Hogaanka Maamulka
Cadaalada & Nabadgalyada Degaanka Soomaalida Mudane Cabdi Maxamuud
Cumar ayaa sheegay in nasiib darro tahay in maanta gabadhaas oo shabad
ah ay si aan micno lahayn ugu dhimato booqashada ay noogu timid. Wuxuu
Hogaanku sheegay in uu tacsi u dirayo dhamaan ehelka & qoyska ay
marxuumadaas ka baxday.
Wuxuu kaloo hogaanku sheegay inuu dhamaan
bulshada qurbo jooga ah uga tacsideenayo dhimashada Marxuumad Muna Cabdi
Faarax. Sidoo kale, waxaa uu Hogaanku sheegay in saaka markii uu warkaa
maqlay uu amar ku bixiyay in si degdeg ah sharciga loo hor geeyo
dambiilaha falkaas gaystay.
Hadaanu nahay bahda Shabakada CakaaraNews, waxaan tacsi u
diraynaa dhamaan ehelkii & qaraabadii ay ka baxday marxuumada.
F.G. Sawirada waa Gacan Ku Dhiiglaha Dilay Gabadha markii la qabanayay iyo markii la Gaynayo Xabsiga Dhexe ee Jigjiga
CakaaraNews