Jigjiga (CakaaraNews) Hogaanka Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada ee Degaanka Soomaalida Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa wareegto ka soo saaray Joojinta xaalufinta Dhirta & Joojinta Dhuxusha loo Shidayo In Dalka Dibadiisa Loogu Iib Geeyo.
Hogaanka oo aan wax ka waydiinay muhiimada ay leedahay wareegtadan ayaa sheegay in dhawaanahan ay soo badanayeen dadka jara geedaha dhirta ee shida dhuxusha una iib geeya dalalka dibada. Wuxuu Hogaanku sheegay in dhibaatada lagu hayo bii'ada ama environmentga ay ka mid tahay asbaabaha abuuraya mashaqada xaalufka & abaarta soo noqnoqnoysa ee dalkeena Ethiopia guud ahaantii, gaar ahaan degaanka Soomaalida laga arko.
Wuxuu Hogaanku sheegay in haatan ay jiraan dad ka baayac mushtara baabi'inta degaanka oo dhirta jaraya, isla markaana inta ay dhuxul ka shidaan oo ay dhuxushaas u talaabiyaan dhinaca Puntland u dhoofiya dalalka Carabta. Hogaanka oo arintaas ka hadlayana wuxuu yidhi "Waa ayaan darro in maanta dadka degaanku ay dhirtoodii u jaraan faakahaysiga dad shisheeye ah". Isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu hogaanku yidhi "Waxaan Ka Xumahay in Geedihii Meygaagka & Qudhaca ahaa ee Ku yaalay Jarar & Ciid, inta la gubo oo dhuxul laga sameeyo loo raro dalka dibadiisa, oo dhuxushaasna ay dad ku nool Imaaraadka Carabta & dalalka Khaliijka ay Shiishada ay qiijiyaan ama ay cabaan ay ku shitaan" ayuu yidhi Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.
Wareegtadan oo dhaqan galkeedu uu ka bilaabmayo maanta oo Bisha June ay 4 tahay ayaa hadaladeedu aad u kulkulul yihiin, waxaana Xafiiska Maamulka cadaalada & Nabadgalyda uu farayaa dhamaan Maamulka Heer Degmo, Heer Gobol & Heer Qabale, & Hogaaminta Ciidanka Sida Gaarka Ah U Tabaran ee Liyuu Booliska inay si adag ula dagaalamaan ganacsatada & gaadiidlayda ka shaqaysa jarista, gubista, shidista & dhoofinta dhuxusha.
Wuxuu Hogaan Cabdi Maxamuud Cumar uu sheegay in dhawr goor oo hore ay baaq ka soo saareen arrimaha la xidhiidha xaalufinta dhirta, balse haatan waxa ku kalifay uu yahay markii ay arkeen in gubistii dhirta ay gaadhay heer haatan inta dhuxul laga shito loo dhoof geeyo dalalka Carabta. Wuxuu Hogaanku sheegay in wareegtadan ay dhamaan maamulka Heer Gobol, Heer Degmo & Hogaaminta ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Liyuu Booliska ee ku sugan xuduuda & tuulooyinka ay farayso inay ilaaliyaan geedaha dhuxusha laga shidayo ee loo iib gaynayo dalka dibadiisa.
Wuxuu Hogaan Cabdi Maxamuud Cumar yidhi "Qof kasta oo muwaadin ah ama in yar oo muwaadinimo dareemaya waa inuu la dagaalamaa oo uu ka shaqeeyaa sidii loo joojinb lahaa geedaha loo jarayo ee loo gubayo si dhuxul loogu iib geeyo dalalka dibada". Sidoo kale, waxaa uu Hogaanku sheegay inuu jeclaan lahaa inuu fariintan codsiga ah u gudbiyo dhamaan bulshada Degaanka Soomaalida meel kasta oo ay joogaan inay la dagaalamaan xaalufinta dhirta & shidista geedaha. Wuxuu Hogaanku sheegay in maanta dhirta Degaanka la gaadhsiiyay heer xaalufin ah oo sida looga soo kabtaa ay aad u adag tahay, hadayba ayna ahayn mid aan suuro gal ahayn.
Wareegtadan uu soo saaray Xafiiska Hogaanka Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada ee Dawlad Degaanka Soomaalida ayaa waxay Ciidanka Sida Gaarka ah U Tababaran ee Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska ee meel walba jooga ku amraysaa inay gaadhigii kasta ee ay arkaan isagoo dhuxul sida isla markaana ka baxaya xuduuda ay talaabada ku haboon ka qaataan. Waxaa uu Hogaanku noo sheegay in Ciidanka Sida gaarka ah u Tababaran ee Liyuu Booliska ay haatan gacanta ku hayaan 6 gaadhi oo sida dhuxusha oo lagu qabtay iyagoo ka sii talaabaya xuduuda.
Hogaanka Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada Mudane Cabdi Maxamuud Cumar waxaa uu waraysiga uu na siiyay uu uga digay mulkiilayaasha leh gaadiidka wayn oo uu sheegay inay wixii haatan ka danbeeya ay ka fiirsadaan inay gaadiidkooda lagu qaado dhuxul dalka dibadiisa loo wado.
Wuxuu Hogaan Cabdi Maxamuud Cumar yidhi "Ganacsatada leh gawaadhida xamuulka ah waa inay ka feejignaadaan inay gaadiidkooda loo adeegsado in dhuxul lagaga saaro xuduuda meel ka baxsan". Isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu Hogaanku Mudane Cabdi Maxamuud Cumar sheegay in mulkiilayaasha gaadiidkooda lagu qabto iyagoo dhuxul ka saaraya degaanka inaan wax naxariis ah ayna ka heli doonin hay'adaha amniga.
CakaaraNews