Jigjiga (CakaaraNews) Waxaa caawa xarunta Dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida lagu qabtay Xaflad Casho Sharaf ah oo lagu maamuusayay guulaha wax ku oolka ah ee laga gaadhay Degaanka Soomaalida.
Xafladaas oo ay ka soo qayb galeen madaxda Dawlad Degaanka Soomaalida waxaa hogaaminayay Madaxwaynaha degaanka Mudane Daa'uud Maxamed Cali & Hogaanka Maamulka Cadaalada & nabadgalyada Mudane cabdi Maxamuud Cumar. Waxaa kaloo xaflada casho sharafta ka qayb galay masuuliyiinta, madax xafiiseedyada, komishinda, maamulayaasha wakaaladaha, machadyada waxbarshada ee Degaanka Soomaalida, & maalqabeeno & shacab lagu casuumay.
Xafladan casho sharafta ah waxaa lagu maamuusayay guusha laga gaadhay qabashadii doorashadii 4aad ee todobaadkii na dhaafay ka dhacday degaanka. Doorashadan oo ahayd tii u horaysay ee isku mar laga wada qabto degaanka Soomaalida & dalka intiisa kale, ayaa waxay astaan u noqotay wax qabadka ay Dawlada Degaanka Soomaalida ka muujisay dhanka, horumarka, ilaalinta amniga & maamulka Suuban.
Doorashadan oo ahayd doorasho lagu dooranayay wakiilada shacabka ee Heer Federaal, Heer Degaan & Heer Degmo iyo waliba wakiilada shacabka ee xaafadaha Magaalada Jigjiga ayaa ku qabsoontay si nabad & xasilooni leh. Guul taas oo kale aha ayaa waxaa lagu xusay hawlgalkii Tirakoobka Dadwaynaha & Guryaha ee ugu danbeeyay oo isna si nabad & xasilooni leh lagu qabtay. Sidaa mid la mid ah ayaa waxaa kaloo xaflada casho sharafta lagu maamuusayay guusha qabashada Xuskii Maalinta Xoola Dhaqatada Itoobiya oo bishii January 25keedii lagu qabtay caasimada Degaanka Soomaalida ee jigjiga.
Dhanka kale, waxaa isla casho sharaftan uu Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida, ahna Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Daa'uud Maxamed Cali uu abaal marin gudoonsiiyay La taliyaha Arrimaha Xisbiga XDSHS Mudane Tawoldhe Berhe oo shaqooyin aad u fiican oo dhanka horumarka, dhanka nabadgalyada & dhanka xisbiga uu ka qabtay.
Sida la wada ogsoon yahay Mudane Tawoldhe Berhe oo ahaa Wakiilka EPRDF ee La Talinta XDSHS, amrkii danbana noqday La Taliyaha Dhanka Horumarka ee DDS ayaa bilowgii 2001 TI u dalacay heer Federaal, balse xukuumada & XDSHS oo wakhtigaa ku mashquulsanaa u diyaar garawgii Doorashada 4aad, iyo mashaariicda horumarinta ayaa waxay u arkeen inay bedelaada Tawoldhe dib loo dhogo ilaa inta laga gaadhayo gabagabada shaqooyinka xilligaa bilowga ahaa.
Hadaba, waxaa maanta XDSHS oo ku faraxsan gudashada waajibaadka shaqo ee sida habsami leh ku dhamaaday ayaa xafladan debaaldaga ah ku sagootiyay oo ku abaal mariyay Mudane Tawoldhe Berhe. Waxaa xusid mudan in dedaalka uu Mudane Towoldhe ka gaystay adkaynta XDSHS & hanaanka maamulka suuban & dedaalka horumarka ay yihiin wax-qabad aad u balaadhan oo aan la dafiri karin
Dhinaca kale, Gudoomiye ku xigeenka XDSHS ahna Mdaxawyanaha Degaanka Soomaalida oo halkaas khudbad ka jeeduiyay ayaa abaal marin taas oo kale ah gudoonsiiyay Hogaanka Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada Mudane Cabdi Maxamuud Cumar isagoo ku abaal mariyay shaqooyinka & guulaha laga gaadhay dhanka horumarka & ilaalinta amniga. Wuxuu Madaxwaynuhu sheegay in Mudane Cabdi Maxmuud Cumar uu taariikhda Degaanka Soomaalida ka galay baal dahab ah, isla markaana mudan yahay inuu ku abaalmariyo bilad dahab ah & shahaaado sharaf.
Dhanka kale, Hogaanka Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ka hadlay munaasabadaa ayaa u mahad celiyay Madaxwaynaha, wuxuuna khudbad gaaban ku sheegay in abaal marinta caawa la siiyay uuna ku mutaysan shaqo uu kaligii qabtaye, balse wuxuu sheegay in Madaxwayne Daa'uud Maxamed Cali uu yahay Aabahaha halganka, Maamulka Suuban & Waxqabadka Horumarka Degaanka Soomaalida ka jira maanta.
Hogaanka waxaa kale, uu sheegay in Mudane Tawoldhe uu shaqooyin aad u wanaagsan uu ka soo qabtay Degaanka Soomaalida. Wuxuu hogaanku carabaabay in maanta degaanku uu leeyahay maamul adag & xisbi adag oo karti & awood u leh maamulista & hogaaminta degaanka Soomaalida, iyo xoogag nabadgalyo oo adag oo degaanka ka difaaca nabad-diidka isla markaana suga ilaalinta xuduuda. Wuxuu sheegay Hogaanku inay arrimahan ay yihiin ajandaha koowaad ee uu mar walba maskaxda ku hayo.
Hogaanku waxaa uu carabka ku dhuftay in maamulka looga baahan yahay inay muwaadinimo muujiyaan oo ay kala saaraan saaaxiibtinimada & muwaadinimada. Waxaa uu hogaanku uu ka digay in qaar ka mid ah maamulada ay ka codsadeen in dad aan u dhalainin degaanka loo siiyo baasaboor. Wuxuu hogaanku cadeeyay in isagoo u duur xulaya shaqsi ka mid ah maamulka oo goobta fadhiyay, uu ka soo codsatay in baasaboor loo siiyo gabadh uu sheegay inay habar yartii dhashay oo u dhalatay dalka Soomaaliya isagoo leh qaraabaan nahay.
Wuxuu Hogaanku ka digay in aan loo dul qaadin doonin mar danbe in qof maamul ah uu isku dayo inuu muwaadinimada Itoobiya siiyo qof aan u dhalanin degaanka, cid danbana aan lagala xishoonayn.
Dhanka kale, mudane Tawoldhe oo isna munaasabadaa ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xaalada wanaagsan & maamulka suuban ee maanta ka hirgalay Degaanka Soomaalida. Wuxuuna Mudane Tawoldhe Berhe u mahadceliyay Guddiga Fulinta, Gollaha Dhexe ee XDSHS, & Shacabka Degaanka Soomaalida, isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay wada shaqayntii xilliga uu joogay Degaanka Soomaalida. Wuxuu Mudane Tawoldhe Berhe tilmaamay in hadana uuna marnaba ka fogaanayn Degaanka Soomaalida oo mar walba uu qalbiga ku hayn doono isla markaana uu diyaar u yahay inuu wax walba kala shaqeeyo Degaanka.
CakaaraNews