Jigjiga (CakaaraNews) Shirkani Oo Ahaa Mid Aad U Balaadhan Oo Uu Soo Agaasimay X.D.SH.S Oo Lagu Furay Heeso Kala Duwan Oo Wadani Ah Ayaa Waxaa Hadal Furitaana Ka Soo Jeediyay Gudoomiyaha X.D.SH.S
Mudane C/Fataax Sh/Cabdulaahi Oo Si Balaadhan Uga Hadlay Hadafka Iyo Ujeedada Shirwaynahani Lixaad Iyo Halgankii & Taariikhdii Uu Soo Maray X.D.SH.S Iyo Waxqabadkii Dhinaca Siyaasada Iyo Horumarka Ee X.D.SH.S Uu Soo Maray Shantii Sano Ee Laga Soo Gudbay.
Gudoomiyaha Oo Sheegay In X.D.SH.S Uu Marayo Marxalad Aad U Saraysa Si Balaadhana Ugu Guulaystay
Fikrada Iyo Aragtida Hogaamineed Ee Shacabka Deegaanka Isaga Oo Xisbigu Guulo Waawayn Ka Soo Hooyay Dhinaca La Dagaalanka Musuq Maasuqa Iyo Dib Udhaca.
Wuxuuna Sheegay Gudoomiyuhu Xisbga Iyo Xukuumadu In Ay Guulo Lama Ilaawaana Ay Ka Soo Hooyeen
In Heshiis Lala Saxeexdo Ururka UWSLF Iyo Waaxda Nabada Qaadatay Ee Hogaamintii Ururka ONLF Oo Goob Joog Ka Ahaa Madasha Shirwaynaha Lixaad Ee X.D.SH.S.Wuxuuna Intaas Ku Daray Gu
doomiyuhu Inuu Xisbigu Sii Wadayo Natiijooyinka Horumarineed Iyo Kan Nabadgalyo Ee Uu Gaadhay Deegaanku Isaga Oo La Kaa Shanaya Shacab Waynaha Deegaanka Iyo Xukuumada Heer Federal.
Dhinaca Kale, Shirkani Oo Socon Doona Muddo Laba Maalmood Ah Waxaa Lagu Falanqayn Doonaa Agenda Yaal Ay Kamid Yihiin Dhagaysiga Warbixinta Gudiga Qaban Qaabada Doorashada Xubnihii Hogaamin Lahaa Shirwaynaha Iyo Warbixinta Golaha Waxqabadka Golaha Dhexe Ee X.D.SH.S Sidoo Kale Waxaa La Dhagaysan Doonaa Warbixinta Waxqabadka Gudiga Kormeerka, Dabagalka Iyo Baadhista Sidoo Kale Waxaa La Soo Jeedin Doonaa Qodobo La Xidhiidha Xeer Hoosaadka Oo Wax Laga Badali Doono, Sidoo Kale Waxa La Dooran Doonaa Gudi Qorsheed Iyo Golaha Dhexe Ee Gudiga Kormeerka.
Sidoo Kale Waxaa Iyaguna Hadalo Kooban Ka Soo Jeediyay Fagaarahani Shirwaynahani Lixaad Xubno Wakiil Ka Ah Xisbiyada Bahwadaagta La Nahay Gaar Ahaan Xisbiyada Ku Bohoobay EPRDF Kuwaasi Oo Hambalyo Iyo Bogaadin U Soo Jeediyay X.D.SH.S Oo Ay Ku Tilmaameen Xisbi Taariikh Leh Oo Ku Guulaystay Doorashadii Heer Deegaan Iyo Tirtirida Kooxaha Naba Diidka Taas Oo Ay Sheegeen Inuu Xisbigu Ku Garab Waday Dhinaca Horumarka Bulshadiisa Iyo Deegaankiisaba Waxayna Balan Qaadeen Xisbiyada Bahwadaagtu Inay Hiil Iyo Hooba La Garab Taagan Yihiin X.D.SH.S Si Uu U Guto Waajibaadkiisa Ku Aadan Dhinacyada Horumarinta Siyaasada Iyo Dhaqaalah.
Ugu Dambayntii Waxay Ergayda Ka Soo Qayb Gashay Shirkan Ay Soo Jeedin Doonaan Baaqii Kama Dambaysta Ahaa Ee Shirwaynaha.