Jigjiga (CakaaraNews)Iyada oo laga Duulayo Qorshaha Shanta sano ee Dawlada Deegaanka Soomaalida sidii ay warbaahinta deegaanku ula jaanqaadi lahayd islamarkaana uu deegaanku uga muuqan lahaa warbaahinta caalamka,
Bulshada deegaankana looga haqabtiri lahaa dhanka warbaahinta Ayaa waxaa dhawaan uu kaabineetka Deegaanku ansixiyay aas aasitaanka wakaalada warbaahinta dawlada deegaanka soomaalida, wakaaladan oo shaqada ay qaban doonto kuwa ugu muhiisan ay ka mid noqondoonaan,
Telefishinka afka soomaaliga kubaxa oo Lagu rajo waynyahay inuu dhawaan ka hirgalo deegaanka iyo sidoo kale
idaacadaha afka soomaaliga ku baxa ee deegaanka iyo waliba dhamaan waxyaabaha laxidhiidha arimaha warbaahinta deegaanka. Haddaba kusiisimaha Madaxwaynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Ahna Madaxa Xafiiska waxbarashada mudane C/raxmaan Sh. Maxamed ayaa wuxuu maanta si rasmi ah wakaaladan ugu magacaabay mudane C/laahi Xasan Bare. Wakaaladan oo ah mid uu Deegaanku in badan tabayay ayaa waxaa aad loogu rajo waynyahay in ay wakaaladu isbadal wayn ka keeni doonto dhanka warbaahinta deegaanka.
Dhanka kale Waxay Dawladdu dhawaan Dib u habayn balaadhan ku samayndoontaa Xafiiska warfaafinta D.D.S, oo lookala saari doono Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska Deegaanka iyo Xafiiska Xidhiidhka Arimaha Dawladda ( Office of the Gov' Communications), Arintan ayaa waxay tahay khibrad uu deegaanku ka qaatay dawlada fadaraalka iyo deegaamada kale ee wadanka iyada oo aysan deegaamada kale intooda badani lahayn xafiis layidhaahdo xafiiska warfaafinta balse ay leeyihiin, xafiiska dhaqanka iyo dalxiiska iyo xafiiska xidhiidhka arimaha dawladda.