Jigjiga (CakaaraNews)Cabdulaahi Xasan Bare 1976 ayaa waxa uu ku dhashay Magaalada Dhaxbuur Dugsigiisii Hoose iyo kiisii dhaxeba wuxuu ku qaatay isla Maraalada Dhagaxbuur.
Kadib markii uu Cabdulaahi Xasan dhamaystay Dugsiga sare oo uu ku qaatay Magalada jigjiga kadib isagoo waxbarashadiisii sii wata ayaa waxaa uu jaamacad ka galay Caasimada Adis Ababa.
wuxuuna ka qalin jabiyay koliyada Cilmiga Saxaafada ee jaamacada Adis Ababa.
Cabdulaahi Xasan waa rug cadaa mudo dheer kusoo jiray saxaafada,
sidoo kale 7 sano ayaa waxaa uu ka shaqaynayay Radio Itoobiya kadib mudadaa uu shaqada halkaa ka hayay ayaa waxa uu dib ugu soo laabtay Xarunta Dawlada Deegaanka Soomaalida.
Wuxuuna sidoo kale jago ka qabtay Xafiiska Madax waynaha DDS isagoo loo magacaabay booska latiliyaha Dhinaca Xidhiidhka Dadwaynaha Madaxwaynihii hore ee la oran jiray Cabdulaahi Xasan (lugbuur).
Cadbulahi xasan bare sadex dii sano ee ugu danbaysay wuxuu ka shaqaynayay Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka
iyo Dalxiiska DDS, isagoo ahaa Agaasinka Warfaafinta , wuxuuna wakhtigaa uu xilkan qabtay waxwayn ka badalay qaab shaqeedka Xafiiska oo aay habacsanaan badani ka jirtay wakhtigaas ka hor isla markaana wuxuu dar dar galiyay hawlaha warbaahineed ee uu xafiiska loo aas aasay .
Cabdilahi xasan waxaa lagu xusuustaa intuu joogay booska agaasinka kaalinta uu ka gaystay dhidibada udhigida FM Jigjia taas oo uu ka bilaabay meel cidlo ah isagoo taageero ka helaya Madaxwaynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida Mudane Cabdi Maxamud Cumar oo isagu aad isugu dhabar jabiyay in uu deegankani ka dhalato saxaafad daboosho baahida ay umadu uqabto warbaahinta ayaa waxaa la oran karaa fikirka uu Madaxwaynuhu ku bixiyay saxaafada waa mishiinka dhaqaaqa FM Jigjiga iyo TV ga oo ku daba jira mudo yar gudaheed.
Ugudanbayntii kalinta uu ka gaystay furitaankii Fm Jigjiga Cabdulaahi Xasan Bare ayaa waxa ay soo shaac bixisay kartida iyo awooda uu uleeyahay dhinaca warbaahinta keentayna in maanta loo magaacaabo xilkan.
Tariikhdu markay ahayd ayaa waxaa cabdulaahi xasan Loo magaacabay Madaxa Wakaalada Warbaahinta Dawlada Deegaanka Soomaalida, sidoo kale waxaa kale oo loo dhiibay in uu sii wado xilka iyo waajibaadka Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska DDS, waxaana kalsooni buuxda looga qabaa in uu Cabdulaahi Xasan xilkaa iyo waajibaadkaa loo magaacaabay si buuxda uga soo bixi doona marka la eego mudada uu ku soo jiray arimaha la xidhiidha saxaafada