

Jigjiga (CakaaraNews)Madaxwaynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamud Cumar ayaa waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Madaxwayne ku xigeenkii hore ee DDS Marxuum Jaamac Axmad Jaamac oo ku geeriyooday Magaalada Adis Ababa xanuun si kadisa ugu soo booday awgeed.
Waxaan marlabaad Tacsi Murugo leh udiraynaa anagoo ah Bahda Shabagada CakaaraNews iyo shacab waynaha DDS, in samir iyo imaan kasiiyo eheliyadii iyo qaraabadii uu katagay Marxuum Jaamac Axmad Jaamac Ilaahayna waxaan uga baryaynaa in bisha rabaadaan barakadeeda uu akhiro janadii ka waraabiyo inta uu naarta ka xoreeyana alaha ku daro walaalkeen, akhrisatayaashana waxaanu ku baraarujinaynaa in bishan laga faa iidaysto oo an si dhayala aynagu dhaafin fadliga iyo ajarka ay xanbaarsan tahay lama koobi karo.
Bisha Ramadaan waa raxmad iyo denbi dhaaf iyo naarta oo la iska xoreeyo, tobanka hore waa raxmad, tobanka dhexena waa denbi dhaaf, tobanka denbena waa muuminiinta oo naarta laga xoreeyo, fadligeeduna waa mid aan inaga qarsoonayn oo leh raadad waaweyn sida ku sugan xadiisyada.