Jigjiga (CakaaraNews)Waxaa lafilayaa in bari shaaca laga qaadi doono mudada ay shir kii ugu horeeyay ee ay yeelan doonaan Galoaha Xildhibaanada cusub ee lasoo doortay, iyagoo, waxaan kasugnaaba ay tahay xukumad tayo iyo karti leh ay kasoo boxdo shirarkaa dhici doona oo lagu wado in ay tahay bishan Nahaase 25 ilaa 27 keeda ee tirsiga Itoobiya in uu dawlada soo dhiso Madaxwaynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida Mudane Cabdi Maxamud Cumar.
Xukumadan cusub ayaa aad loogu han wanyahay waxqabadkeeda bulshada deegaanka iyo tan ku dhaqan dibadaba si waayn ayay usoo dhaweeyeen iyadoo markaad ufiirsato mid walbe uu aad ugu han waynyahay shakhsi kastana uu filayo inuu door wayn ka qaadan doono dhankiisa.
Shirkaas dhici doona ayaa waxa ay ujeedadiisu tahay sidii loo xuli lahaa muwaadiniin ay ka go'antahay in ay horumar dagdaga deegaanka ka dhaliyaan isla markaana wata fikrad madaxbanan , fikir caafimaad qaba wata golahan xildhibaanada ayaa waxa aynu oran karnaa waa xukumadii ugu dada yarayd ee deegaankan soo marta laga bilaabo Madaxwaynaha hatan talada haya ilaa shaqaalahe hosaadka.
Shirkan ayaa wuxuu daba socdaa shirkii dhawan kadhacay caasimada DDS ee jigjiga oo ay udhanaayeen xukumadu tan fadaraalka iyo tan deegaankuba oo ku aadanayd wada tashi iyo talooyin ku wajahan dhinaca qorshaha shanta sano ee harumarka deegaanka ayaa waxan xasuusanaa hadalo kooban oo uu kasoo jeediyay madaxweynaha dawlad deegaanka soomaalida Mudane Cabdi Maxamed Cumar oo xiligaa sheegay in uu wadatashigani yahay mid mihiim u ah hawlaha hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee heer faderal iyo heer deegaanba loona baahanyahay in ay bulshada qaybaheeda kala duwan ee deegaanku ay kaalin wax ku ool ah ka qaataan ka qayb galka diyaarinta qorshayaasha horumarineed ee ka hana qaaday deegaanada dalka.
Sidookale waxa looga fadhiyaa musharaxiinta cusub ee hada lasoo doortay ee deegaanka udhashay ay dhaxda u guntadaan sidii ay u meel marin lahaayeen qorshayaasha horumarineed ee shantan sano.