Madaxwaynaha DDS ayaa Lakulmay 23 qof oo ah wajigii kobaad ee Hada Kashaqaloobay Xafiiska Maamulka

Jigjiga (CakaaraNews)Madaxwaynaha dawlada deegaanka soomaadlida ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay dhalinyaro tiradoodu gadhayso 23 mutacalim oo kasoo qalin jabisay jamacada kala duwan ee dalka gudihiisa.

Kulankan uu Madaxwaynuhu layeeshay aqoon yahanadan dada yar ee deegaanka udhalatay oo si toosa uu uqaatay xafiiska Madax waynaha DDS Cabdi Maxamud Cumar oo run ahaantii muujiyay karti iyo dhaq dhaqaaq abuurid shaqaale tayo leh inuu kasoo dhax xusho ardayda cusub ee hada soo qalin jabisay sidii ay wax qabadka xafiiskiisa udar dar galiyaan.

Xafiiskan oo soo dhajiyay inuu ubaahan yahay shaqaale kabadan 40 qof ayaa waxa uu hada si toosa uqaatay wajigii  ugu horeeyay oo ah arday aqoontooda wax barasho ay gaadhaysay Degree  iyo Master'  , soona qaatay aqoono kala duwan oo ay ka mid yihiin qaybta xisaabaadka iyo qaybta maamulka.

Kadib markii uu qudbad dheer oo ku aadan dar daaran iyo dhiiri galin  uu ujeediyay Madax waynuhu shaqaalahaan cusb ayaa waxa  uu Mudane Madaxwayne Cabdi Maxamud Cumar  carabka ku dhuftay in looga bahan hayay in ay ushaqeeyaan sidii shaqaalaha Nabadgalyada oo iyagu run ahaantii ka shaqo badnaa xafiisyada kale ee Dawlada. isagoo usheegay inay diyaar unoqdaan in ay habeen iyo maalinba shaqayn doonaan kana shaqayndoonaan meel alaale meeshii loo diro ee gobolada iyo 52 dagmo ee deeganku ka koobaan yahay, isla markaana ay dhalin yaradii ku balan qadeen inay kashaqayn doonaan meel alaale meshii loodiro diyaarna uyihiin xili alaale xiligii shaqo dheeriya timaad inay sideeda uga soo baxayayaan.

Ugu danabayntii waraysi yo aanu layeelanay ardaydan hada laqaatay ayaa waxa ay noosheegeen in ay ka kooban yihiin  18 wiil iyo 5 gabdhood, inta hadhay ee aan wali imtixaanada laga qaadina dhawaan ayaa laga sugayaa xafiiska shaqaalaysiinta ee DDS

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.