DHagaxle (CkaaraNews)shirkan oo lamagac baxay shalay maanta maaha mantana shalay noqon mayso, itoobiyada maanta itoobiyadii hore maaha!!!!
hadaba shirkan ayaa sii qoto dheer loogu lafa guray hagar daamooyinka regaadiyey shacab-waynaha R-isaaq kana soo burqanaya nabad-diidka la hal-gamaya shacabkeena caqabadana ku ah dhammaanba tabihii loo suurto-gelin lahaa adeega Horumarineed oo iftiimiya hiigsiga rajo nololeed lana jaan qaadi karta isbadelada iyo horumarka ay ku talaabsadeen ethiopiyada kale.
Nasiib wanaag waxay dhammaanba ka soo qayb-galayaashii shirka hormoodna ka yihiin dhammaanba dhinacyada kaladuwan ee bulshada Odayaasha, Aqoonyahanaka, Culuma udiinka, Haweenka, iyo Dhalinyaraduba, garwaaqsadeena in laga wada gaabiyay kaalintii laga filayay dhammaanba shacab-waynaha Reer-isaaq ee ku nool dalka iyo dibadaba.
Isla markaana fartaa lagu fiiqay dhinac walba kaalinta uu kaga jiro dhibaatooyinka ka jira Gobolka ugu horeyna
carabka lagu dhuftay in jaaliyadaha reer isaag ee dibada ku nool ee ay aragtida khaldan ka dhaadhiciyeen N/diidka ka fog xaqiiqada iyo waayaha nololeed ee uu shacabku ku jiro jeebkana ku shubta dhaqaalahooda una isticmaalaan Miino,Bambo iyo Rasaasta lagu waxyeeleeyo walaalahooda ku dhaqan Gobolka Dh/buur ee gargaarka ka sugayay.
kadib markii laysla meel dhigay dhibatadii jirtay ayaa waxa ay ka wada duuleen dal iyo dibad sidii ay talaabo walba oo suurto gal ah in ay uqaadaan siidii ay tubta nabada uqaadan lahayeen dal iyo dibadba isla markana ay jaaliyada dibadu markii ugu horaysay ee ay usoo diraan kharash ay leeyihiin kaga qayb qaata shirarka iyo ololaha
nacoowda nabada ka hirgashay deegaanka ee curdanka ah anaguna halkayagaa ayaanu ka wadaynaa shir balaadhan oo kale oo loo wada dhan yahay dal iyo dibadna oo ka dhici doona deegaanka dhaxdiisa ayaanu isugu iman doonaa.
Hadaba gabagabadii shirarkan iska soo daba dhac dhacayay tan iyo Gobolka Dhagaxbuur ayaa kiisii ugu danbeeyay uu ka dhacay Dagmada Faafan(dhagaxle) oo subaxnimadii siduu ubilaawday ilaa afurkii halkaa lagu sugnaa iyadoo barxad aad uwayn oo geed hoostii lagu diyaariyay afur heer sare ah geel farabadan iyo adhina lagu qalay goobtaas gabalkuna ugu dhacay.
Hadaba kulankan iyadoo ay kasoo qayb galeen Madaxda DDS oo uu hogaaminayo Madaxwaynaha DDS Cabdi Maxamud Cumar iyo dhamaan odayaal beeleedka deegaanka sida Garaadada,Ugaasyada,Suldaanada,Cuqaasha,Culama'awdiinka,Aqoonyahanada,Jaaliyaadka iyo xubnihii nabada qaatay kuwii ugu sarsareeyay ,ee hatan casimada ku sugan ,iyo waliba khadka taleefanka oo ay kala socdeen qaybo kamida jaaliyada Ree-isaaq ee nabada jecel.
Gaba gabadii ayaa waxaa ay kaso jeediyeen si wada jir ah baaq iyo taageero ku wajahan nabada kasoo
saareen shirkan ay uwada dhanaayeen dhamaan xukumada iyo shacabkeedii oo dhamays tiran iyagoo goob joog u ah ayaan beelaha kale ee deegaanka dagan iyo xukumaduba baaqan soo sareen.
BAAQ:- waxaanu cid kasta oo danaynaysa danaha shacabka Reer-isaaq ee uu ragaadiyay hagar daamooyinka N/diidka kana damqanaya xaalada naololeed ee aadag dhaxal siiyeen N/diidka marin-habaawsan lana socon isbedelada siyaasad-horumar dimuquraadiyadeed ee uu aduunku ku talaabsaday qalinkuna noqday tabta ugu haboon ee lagu xaliyo noocyada khilaafaadka jira,
waxaan kaloon ugu baaqaynaa jaaliyadaha ku dhaqan dunida daafaheeda ku nool ee dhalashada iyo Gobolkuba naga dhaxeeyo in ay nala qaataan tubta wada-hadalka si loo bad-baadiyo masiirka shacab waynaha, Reer-isaaq ee uu hafiyay waxyeelada iyo darxumada nololeed ee laga dhaxlay ficilada naxariis darada ah ee nabad-diidka UB
TAAGEERO:- waxaanu si midaysan u taageersanahay isbadelada horumar,N/gelyo iyo dimoquraadiyadeed ee ay wadaan dawlada Faderaalka maamulka Dawlada Deegaanka Soomaalida iyo kamid ahaanshaha X.D.SH.S.I.
FARIIN:-Waxaanu fariin u diraynaa wax garadka,Odayaasha, Aqoon-yahanada, DHalinyarada, Haweenka, iyo Culumaa udiinka ku nool dalka iyo dibadiisaba in ay u soo wada jeedsadaan gacmahana is qabsadaan loona wada guntado hanaan kasta oo lagu soo dabaalli karo xal nabadeed oo taam ah kana midaysan yihiin
qofkasta oo Reer-isaaq ah meel kasta oo uu joogaba.

laguna midoobo aragtida ah dhab u wada bad-baadinta shacabka tabaaalaysan kana wada taanaasulno aragti kastoo aynu kelinimo ku qaadanay garwaaqsanana ahmiyada ballaadhan ee ay leedahay wada-tashiga, is-qancinta iyo qaadashad aragtida midaysan.
