Gundhigga Go'aano Wax Ku oola oo Uu Gaadhay Capinetka DDS

Jigjiga (CakaaraNews)waxaa hubaala in maamulka DDS uu ahmiyad balaadhan siinayo xaaladda Nololeed ee ay ku sugan yihiin shacabku kana damqanaysa xaalada adag ee nololeed ee ay ku sugan yihiin

una dejisay qorsheyaal horumarineed oo dhidiibada loogu aasayo hirgelin horumar wajiyo badan fiiro gaar ahna siinaya dhinacyada waxbarashada, Caafimaadka, Biyo nadiif ah , Isgaadhsiinta iyo u abuurida jawi -maalgashi jaaliyadaha dibadda iyo cid kastoo danaynaysa maal-gashiga deegaanka.

Sidaas darteed ayay xukuumadu qabatay shir galoha kaabineedka Deegaanka ah lana sugay soo saarista go'aamo dhaxal gal ah xaqiijiyana himilada horu-mar,dimuquraadiyadeed iyo kusoo hirashada maal gashiga diasporaha iyo cidkastoo danaynaysa maal gashiga deegaanka soomaalida .

hadaba si loosii anba qaado xaqiijinta iyo adkaynta qorshayaasha horumar dumuquraadiyadeed ee Xukumada ayaa maalintii sabtida ahayd tariikhduna ahayd 29/09/2010

shir isugu yimaadeen golaha fulinta DDS (capinetka ) isla gorfayn kadibna ku go'aamiyeen qodoba dhidibada loogu aasayo hir galin horumar taama dhiirigalinayana maal gashiga

Go'aan

go'laha-fulinta DDS (capinet) wuxuu go'aamiyay

1.adkaynta iyo xoojinta xafiiska jaaliyadaha (diasporaha)

-siyaasada iyo jihada hogaamineed ee xukumada DDS ayaa ah mid sare usoo qaadaysa kalsooni galinta jaaliyadaha(diasporaha) madaama ay yihiin cudud mihiim ah culays baaxad wayna ku leh xukumada DDS iyo dawlada Fadaraalkaba, sidaas darteed ayuu golaha fulintu ansixiyeen qodobadan hoos ku cad

1.1 wuxuu goluhu ansixiyay in qaab- dhismeedka xukumada lagu soo biriyo Madaxa Xafiiska Jaaliyaadaha DDS iyo ku xigeenkiisa

1.2 in xafiiska jaaliyadaha loo sameeyo muwaaqir (structure)leh shan agaasin iyo shaqaalaha taakulaynta (supportive staff )iyo shaqo qeexidoodii

1.3 in lamagaacaabo wakiil jaaliyadaha ah iyo laba agaasim oo fadhigoodu noqonayo Adis -Ababa shaqadooduna tahay

in xafiiska AA uu u sahlo jaaliyadaha deegaanka udhalatay ee imanaya
xidhiidhka socdaalada, fariimaha ,e-mail addresska, diyaarinta tigidhada ,jiifka ,cuntada , mobil sim-cards ay isticmaalayaan, iyo gaadiidka kasoo qaadaya garoonka diyaarada iyo isticmaalka socdaaladooda kala duwan kana kooban laba bas iyo hal cobraa

diyaarida iyo goglida guriga Adis Ababa ee jaaliyadaha loogu tala galay

xafiiska AA isagoo siinaya jaaliyadaha tilmaamo khuseeya hadba rabitaankooda ayuu hadaba soo gaadhsiinayaa xafiiska xarunta jaaliyadaha ee magaalada jigjiga

xafiisku wuxuu ka caawinayaa jaaliyadaha arimaha la xidhiidha sharciyada sida qaadashada citizenka ah iwm si ay uga caawiso daganaanshahooda dalka

xubnaha jaaliyaduhu markay imanayaan dalka waxaa iska kaashanaya xafiiska xarunta jaaliyadaha ee jigjiga iyo xafiiska AA

2.wajibaadka xafiiska jaaliyadaha ee jigjiga

xafiisku waxa uu ka caawinayaa jaaliyadaha

qorida waraaqaha cadaynaya joogitaankooga dalka iyo ku gacan siin hadba hawlahooda uguna qoraya Gobolada iyo Dagmooyinka

jaaliyadaha maal -gashiga samaynaya in cashuur dhaaf loo sameeyo lana siiyo dhul ku haboon hadba baaxada maal- gashigooda

siinta sharciyada liisanada ganacsiga

tusida dhamaan goobaha horumaraneed sida Waxbarashada,Caafimaadka, Biyaha, Isgaadhsiinta, Wadooyinka iyo dhamaanba dhismaha mashaaricaha kala duwan ee deegaanka ka socda.

udiyaarinta cajalado Documentry ah oo ka turjumaya waxqabadka horumarineed ee DDS iyo shacabkaba.

hadii baahiyo kale oo dheeriya yimaadaana waalaga caawin wixii macquula

3- U Diyaarinta Goobo Ku haboon Maal-gashiga ( space)

Labo Ka Mida Xeryaha Ciidanka Gaashaan-dhigga Oo Loo sii Baneeyay Maalgashiga Jaaliyadaha.

Maadaama Xukuumadda Dawladda Deegaanka soomaalida ay aad u danaynayso soo jiidashada jaaliyadaha maalgashiga Samaynaya iyo Cid Kastoo danaynaysa maalgashiga ayay xukuumadda iyo ciidanka gaashaandhigga oo ka midaysan aragtida horumarinta shacabka iyo Maalgashigaba ayaa Isla ogolaaday Ka bixidda ciidanka-gaashaandhiga Labada xero ee la kala yidhaahdo ayar-hayl iyo madhfanyaa maadaama ay magaalada dhexdooda ku yaalaan, Xeryo ka baxsan magaaladana Xukuumadu u diyaariso Ciidanka gaashaandhigga,Xukuumadda oo aad udanaynaysa jaaliyadaha maalgashiga samaynaya ayuu golaha-fulintu Ansixiyay in Loo Celiyo Ciidanka Lacag Mag-dhaw ah oo aad u badan Maadaama Hanti Ma Guurto Ah Oo Aad U Badani Uga Dhisnayd Ciidanka Xeryaha, lana Baneeyo Labadaas Xero Labada Bilood ee soo socota Gudahood.

Waxaa kaloo la go,aamiyay in xeryaha ciidanka-gaashaandhigga ee magaalada dhexdeeda Ku Yaala Laga Raro Lana Siiyo Dhul Ka Baxsan Magaaladda.

4- DHISID BOAR-DING SCHOOL.

Degmada fiiq.

Maadaama ay gobolka fiiq ka jiraan dhibaato waxbarasho yari ayuu golaha fulinta deegaanku ansixiyay dhisidda boarding schoolka degmada-fiiq bixiyana waxbarashada dugsi-dhexe iyo dugsi-sareba laguna bilaabo sanadkan arday dhan 500 oo arday xukuumaduna daboosho dharka ardayda,jiifka ardayda,cuntadooda,caafimaadkooda,buugaagtooda iyo pocket-money gacanta la siinayaba, lana bilaabay dhismihii boardiga inkastoo sanadkan lagu sii bilaabi doono waxbarashada dugsiyadii hore u sii jiray,inta badan ardayduna ka iman doonaan gobolka fiiq.

Degmada jijiga

Waxaa kaloo golaha-fulintu ansixiyay in degmada jijigana laga dhiso boarding-school loogu talo-galay in wax ka bartaan arday dhan 200 arday.

Balan-qaadka dheeriga ah ee ay xukuumaddu siinayso barayaasha iyo maamulayaasha boarding-schoolka, Si loo soo saaro arday tayo waxbarasho leh dabooshana baahiyaha deegaankeena ayay xukuumaddu go,aamisay in barayaasha la siin doono lacag-dheeri ah oo ka baxsan mushaarkooda sidoo kalana maamulayaasha iyo ku-xigeenadoodana la siin doono mushahar qancin doona iyo lacag-dheeri ah oo ka baxsan mushaarkooda.

Xulashada ardayda

Waxaa ahmiyad balaadhan la siinayaa

da’yarta agoonta ah ee nabad-diidku waalid- tiray

iyo da’yarta duruuf-nololeed ku waayay fursad-waxbarasho iftiimisa rajadooda-nololeed

 

 

 

 

 

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.