Baaqii kasoo Baxay Shirkii Beesha Maqaabul ee Ku aadanaa Tubta Nabada & Wadahadalka

altJigjiga (CakaaraNews)shirkan oo ay kasoo qayb galeen odayaasha,waxgaradka,haweenka,dhalinyara da iyo aqoonyahanka beesha Maqaabul isagoo ay soo qaban qaabiyeen Kumushneer ku xigeenka booliska asluubta Xildhibaan Cabdi Bade,Xaaji Gaboobe iyo Maxamad Falaa

Hadaba ujeedada shirkan oo ahayd in lagu lafaguro xaalada nabadgalyo ee aay beeshu ku sugan tahayalt iyo sidii aay beeshu unoqon lahayd mid kamadax banaan nabadiidka,isla markaana qayb waayn ka qaadata horumarka deegaanka ka socda.

Kumeeshneer ku xigeenka booliska asluubta DDS xildhibaan Cabdi Bade oo ka hadlay madashaas ayaa kula dardaarmay beesha in ay noqoto mid ka gilgilata hagardaamooyinka nabadiidka isla markaana qaadata talaabo ficila oo ay kaga sifaynayaan deegaanka ay beeshu tagto nabadiidka si uu taaba gal unoqdo hadafka hurumarineed ee DDS.

Kulankan oo ay kahadleen wax garadka aqoon yahanada iyo hogaamo dhaqameedyada beesha ayaa waxa ay tibaaxeen sida daruuriga ah ee loogu baahan yahay deegaanka beeshu dagto uu noqdo mid ka madax banaan nabadiidka, waxaa kaloo ay intaa ku dareen in ay talaabo ka qaadi doonaan iyagoo kaashanaya bulshadooda iyo dawladooda nabadiidka gabaabsiga ah.

Baaq

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

waxay ugu baaqayaan dhamaan xubnaha ku abtirsada beeshan Maqaabul ee ku dhaqan dal iyo dibadba go aanka beeshan,ayna taageero ka gaystaan, inay taageeraan cidkastoo danaynaysa danaha beesha maqaabul go aanka ay beesha ku qaadatay in ay kaga sifayso nabadiidka.

waxaan si buuxda utaageeraynaa shirarka beesha maqaabul ee kasocda dalka dibadiisa ee aay kaga tashanayaan aayaha beesha

inaynan na matalin cidkastoo diidan nabadgalyada beesha maqaabul iyo baaqan nabadgalyada ah ee shirkan kasoo baxay.

waxaa beeshu digniin cad udiraysaa shaqsiyaadka danaha gaarka ah wata isla markaana hagardaamaynaya dalkooda iyo dadkooga, hadii kale beeshu si wada jira ah uga qaadi doonto talaabo adag.

kulankan oo ay yeesheen beesha Maqaabul ee kala daga Danood, Wardheer, Shilaabo, iyo Qubi ayaa waxa uu gogosha uxaadhayaa in ay nabadgalyo waarta ka aslaxdo deegaanka ay beeshu tagto.

alt

 Gagabadii shirka ayaa waxaa lagu soo afmeeray duco iyo midnimo in lagu wada dhaqaaqo sidii nabada loo xoojin lahaa

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.